Shir looga hadlayey sidii gacan buuxda loogu qaban lahaa amaanka ayaa waxa uu maanta ka dhacay magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari.
Kulankan oo ka dhacay xarunta dowlada hoose ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka tirsan wasiirada dowlada Puntland oo uu ugu tunweynaa wasiirka amniga Jeneraal C/laahi Siciid Samatar iyo wasiiro kale, sidoo kale waxaa shirka goob joog ka ahaa gudoomiyaha gobolka Bari Muuse Geele iyo duqa magaalada Boosaaso C/risaaq Xareed.
Wasiirka amniga dowlada Puntland Jeneraal C/laahi Siciid Samatar oo madasha ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in loo bulshada looga baahan yahay inay ciidanka amaanka kala shaqeeyaan sugida amaanka Boosaaso iyo guud ahaan deegaanada Puntland, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in ayan ciidanka kaligood waxba qaban karin hadii ayan taageero ka helin shacabka, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Mas'uuliyiintii kala duwaneyd ee madasha ka hadashay ayaa dhamaantood waxa ay isku raaceen in si wada jir ah wax looga qabto amaanka magaalada Boosaaso, waxayna isku raaceen in gudiyada 16 xaafadood ee ay ka kooban tahay magaalada Boosaaso looga baahan yahay in ay si buuxda ula shaqeeyaan ciidanka amaanka ee magaalada, iyadoo la kaashanayo shacabka.
Deegaanada ay ka taliso dowlada Puntland ayaa dhawaanahan waxaa ku soo badanayey dilalka qorsheysan iyo qaraxyada loo geysanayo Mas'uuliyiin ka tirsan Puntland, iyadoo Madaxda Puntlandna ay horey u sheegeen inay ku howlan yihiin wax ka qabashada amaanka guud ahaan Puntland.
Somalireal-Boosaaso
Fikradaada ku darso.