Isbahaysiga soo celinta nabada iyo ladagaalanka Argagaxisada.
oo Shan Sano ka hor hadoo kale lagu dhisay Magaalada Muqdhisho.
Najah Mohamed Ali.
18, February waxey ku beegan tahay xiligii Magalada Muqdisho lagu dhisay "Isbahaysiga soo celinta nabada iyo ladagaalanka Argagaxisada" Allience for restoration of peace and count Terrorism (ARPCT).
Waxaana ku mideysnaa Xisbigaas in ka badan 10, kamid ah Hogaamiyo kooxedyadi ugu caansanaa Koonfurta Soomaaliya, kuwaaso xiligaas ku faani jiray awood buuran oo ay ku maamulayeen qeybo badan oo kamid ah gudaha magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobalda ku yaalo Koonfurta Wadanka Soomaaliya.
Xiligii la dhisayay Ururkaan oo ku adaneyd 18,february,2006 ayaa waxaa ka jiray gudaha Caasimada Soomaaliya abaabul faro badan oo ay wadeen kooxo isku tagay oo Wadaado ah, kuwaaso xiligaas ka bilaabay in ay ka dhisaan isla magaalada Muqdhisho Maxaakamado Islaami ah oo markii hore ku biloowday hab Qabiil laakin marki danbe isku badalay Midowga maxaakimta Islaamiga "Islamic court union" (ICU).
Xisbiga so celinta nabada iyo la dagaalanka Argagaxisada ayaa loga dhawaaqay dhismihiisa Magaalada Muqdhisho gaar ahaan dagmada Deyniile balse waxaa isla maalintaas ayana lagu dhisayay mid kamid aheyd Maxkamadihii Islaamiga meel anan ka fogeyn goobta lagu dhisaayay Xisbigaas, ayadoo Maxkamadaasna laga dhisay Kulayadii Jala Siyaad oo anan wax badan ka fogeyn halka Ururkaas looga dhawaaqayay,
18,02.2006 sidoo kale waxaa ka dhacay Magaalada Muqdhisho Dagaal qasaaro sababay oo dhex maray xubno ka tirsan Ururka la dagalanka Argagaxisada oo isla maalintaas lagu dhawaaqay iyo qaar kamid ah Midowgii Maxaakimta Islaamiga, balse inta badan dadka Soomaaliyeed ayaa waxey ku soo baraarugeen, dhismaha Xisbigaan oo ka duwanaa Xisbiyadii hore ee Soomaaliya laga dhisi jiray, maadaama uu watay magac ay qalad ka fahansan yihiin dadka Soomaaliyeed, ahna "la dagaalanka Argagaxisadda" kaasoo ay u arkaan Madaxdii Maxaakiimta in loo adeegsanaayo Xisbigaan in lagula dagaalamo Culumada Soomaaliyeed, sidoo kale qaar kamid ah dadka Soomaaliyeed ayaa ayagana ka aaminsanaa Wadamada reer Galbeedka in ay Argagaso ku tilmaamaan shaqsiyaadka Islaamiga ah ee ay rabaan iney ka taqluusaan.
Xubnaha ku midobay dhismaha ururkaan ayaa waxa ay ka koobnaayeen 11, Masuul ayadoo markii horana ay dhiseen Ururka Sideed Masuul halka sadexda kalana ay dib oga sii darsameen.
Xubnihii marka hora dhisay ururka waxey kala ahaayeen sida tahan.
1: Cabdirashiid Shire ilqeyte
2: Cabdishukri Cali Xirsi
3: Cumar Maxamed Maxamud (Cumar Finish).
4: Cabdi nuure Siyaad (cabdi waal).
5: Bashiir Raage Shiiraar
6: Bootaan Cise Caalim
7: Maxamed Qanyare Afrax
8: Muuse Suudi Yalaxoow
Xubnahaas ayey ahaayen kuwii marka hore ku dhawaaqay dhismaha Ururka soo celinta nabada iyo ladagaalaanka Argagaxisada balse waxaa ayana ku soo biray oo ka dhigay tirada Hogaamiyaasha ku midobay Xisbigaas 3,sadex masuul oo kale, kuwaaso kala ahaa.
9: C/xasan Cawaale Qeydiid
10: Cise dheere iyo
11: Maxamed Cumar Xabeeb (maxamed dheere)
Waxeyna ahaayeen 11,kaas xubnaha joogtada ah ee ay ka koob-naayeen Madaxda Xisbigaas ayadoo Afhayeena uu u ahaa Xuseen Gutaale Raage.
bale waxaa qaab hoose kula shaqeyn jiray Xisbigaan masuuliyiin faro badan oo ay kamid ahaayeen, C/qaadir beebe iyo Nuur daqle,
oo ayaguna ka mid ahaa Hogaamiyaasha hor boodaayay Siyaasada Soomaaliya.
Mudo shan bilood ah ayuu jiray Xisbigaan ka hor intii aynan u awood sheeganin Xogagii midowga Maxaakiimta oo gud ahaa dagaal oga saaray Xubnihii ku midoobay Xisbigaan gudaha Magaalada Muqdhisho iyo qaar kamid ah Gobalada ku yaalo Koonfurta Soomaaliya.
Xiliyadii ay jireen ururkaan waxey la galeen dagaalo qaraar ciidamadii Midowga Maxaakiimta oo xiligaas uu Af-hayeen u ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hada ah Madaxweynaha DFKG ee Somalia.
Waxaana laga xasuusan karaa Dagaaladii ku dhex maray gudaha Magaalada Muqdhisho ciidamadii Maxaakiimta iyo kuwii Isbahaysiga oo dhowr dagaal iskaga hor yimid waxaana kamid ahaa dagaladaas kuwii ka kala dhacay deegaanada Gal-Galato, Sii-sii, Hotel Saxafi, Kulayada Jaalee Siyaad, Kaaraan, Deyniile, Basro, Seybiyaano, Banaadir, balcad iyo Jowhar. Ayadoo dagaalo kalana ay ka dhaceen Gobalada Hiiraan iyo Gobalka Shabelada dhexe iyo Gobalda Dhexe, xili ay halkaas baxsad ahaan u tageen Xubno kamid ah Xisbiga oo Muqdhisho ay ka saareen kuwii Midowga Maxaakimta oo markii danbe xaqiiyay gacan ku haynta gobihii ay ka talin jireen madaxdii ku midobay Isbahaysigii soo celinta nabada iyo ladagaalanka Argagaxisada.
Sidoo kale Reysal wasaarihii xiligaas ee Xukamadii Somalia Cali Maxamed Geedi ayaa Dhamaan ka qaaday xilkii ay dowlada u hayeen xubnihii ku jiray Ururkaas, kadib marki ay ka dhaga adeegeen iney tagaan Xaruntii Barlamanku uu fadhiyay oo xiligaas aheyd Magaalada Baydhabo,
Xogagii Maxaakiinta ayaa xaqiijiyay iney iney jabiyeen Xubnihii Xisbigaas ayagoona ka dhisay meelihii ay maamuli jireen Hogamiyaasha ka tirsan xisbigaas maxkamado ayaga taabacsan sida maxkamadii Dayniile tii Sayidka iyo midii kaaraan iyo waliba kuwo kale. waxaana la wayay qaar kamid ah Masuuliyiintii ku midoobay Xisbigaas oo la garan wayay meel ay jaan iyo cerib dhigeen mudo bilooyin ah, ayadoo dagaalkii ugu danbayayna labo maalin kadib ay magaalada oga saareen Ciidamadii Maxaakiimta Korneel C/xasn Cawaale Qeydiid, halkaasna uu ku afjarmay Magacii Xisbigaas oo mudo Shan bilood ah ka jiray qaar kamid ah Gobolada Koonfureed iyo Caasimada Soomaaliya ee Muqdhisho.
Hadaba si aan wax badan oga ogaano qaabka Xisbigaas loo dhisay waxaan Wareysi kala yeelanay Masuuliyiintii aas aastay mid ka mid ah oo lagu magacaabo C/shukri Cali Xirsi, waxaana ogu horeyn aan weydiiyay bal inuu noga waramo ujeeda ay Xisbigaas u dhiseen, waxuuna ku jawaabay Cabdishukri sida tan?.
"waxaan u dhisnay Xisbigaas in aan ku ilaalino nabada Somalia madaama aynan jirin Dowlada awood u leh iney nabada ilaaliso oo xiligaas Xukuumadii jirtay ay fadhiid ku aheyd Magaalada Baydhabo, waxaana aan rabnay in aan ka ilaalino Wadanka Soomaaliya dadka Ajanabiga ah ee dibada oga imaanaayo Dalkeena Soomaaliya, kuwaasona saan saantooda markaas laga dareemay Muqdhisho, markaas kadib waxaan rabnay inaan u raadino Dalka Dowlada loo dhan yahay.
Najax: ujeedada aad u dhisteen Isbahaysigaas, ma la is dhihi karaa waxey aheyd, sidaad oga hortagt laheydeen Xogagii Midowgii Maxaakinta oo xiligaas ka hana qaaday Koonfurta Wadanka Soomaaliya?.
Cabdishukri: haa, waxaan fahanay anagu in dhibaato ay u horseedayaan Maxaakiimtu Wadanka Soomaaliya maadaama ay gabaad siinayeen dad Ajaanib ah oo rabay iney Dalka qabsadaan, taasoona sababi kareysay in la baabi'iyo Shacabkeena Soomaaliya..Isbaheysigu sidii-saba wuxuu ahaa, Isbahaysiga soo celinta nabad iyo ladagaalanka Argagaxisada, mana aheyn kaliya la dagaalanka Argagaxisada ee nabad soo celin ayaa ku jirtay.
Najax: ma jirtay cadeyn aad u hayseen in xiligaas Soomaaliya ay joogeen dad Ajanabi ah?.
C/shukri: waan hay-nay cadeeyn, dadka oo dhana wey ogaayeen, waxaana laga dareemayay Ajaanibta meelo badan oo ay kamid ahaayeen Madaarista qaar kamid ah iyo waliba meelaha ay daganayeen Hayadaha Carabta.
Najax: manoo sheegi kartaa waxa ay aheyd ujeedada wada mideysay Hogaamiyo Kooxedyada intaas la eg ee Isbahaysigaas kuwada jiray?.
C/shukri: marka hore waxaan rabnay in Hogaamiyaashu ay heeshiiyaan kadibna waxaan rabnay inaan ka shaqeyno nabada Dalka, dadka aan u sheegno Qatartii xiligaas Soomaaliya ku bilaabaneysay, taasna waxaa idin cadeyneyso dhibka hada Soomaaliya ka dhacay,,Argagaxisada aan xiligaas u sheegeynay dadka Soomaaliyeed ee nalooga maleyay inan been sheegeyno, waad aragtiin in Ninki waagaas ugu sareyay Maxaakiinta oo hada Madaxweyna ah, waa Sheekh Shariife uu hada mar kasta sheegaayo in Wadanka Soomaaliya ay Argagiso joogto oo Wadanka hada la haysto asagoona inkiraayo waxii hore ee uu sheegi jiray.
Najax: Dowlada Mareykanka ayaa la sheegay iney iska laheyd Dhaqalaha iyo Fikrada Isbahaysigaas taas maxaad ka ledahay?.
C/shukri: dhaqaalo aan Mareykanka ka helnay ma jirto, laakin fikir iyo wada tashi wuu nagala dhexeeyay Mareykanka waxaana isku daynay anagoo Soomaali ah inaan dalka dajino, markaas Beesha Caalamku waxey soo jediyeen in Wadanka Soomaaliya lo fasaxo Dowlada Ethiopia si loogu qabto Somalia, laakin anagu waxaan niri anaga ayaa ku filan oo Wadankeena dajin karna ee ha nalaga war-sugo, hadii howshaas ay fuli laheyd waxii dhaqaalo iyo tasiilaad ah oo loo bahdo markaas kadib ayey noo bilaaban laheyd madaama ay Aduunka ka jirto in la taageero Dowlada kasto ama qof kasta oo wax qabta, laakin anaga ayaa jeebkeena iska xil qaameynay si aan dalkeena wax ogu qabano, si Soomaalinimo ah.
najax: Madigowgii Maxaakimta waxey idinka saraan Magaalada Muqdhiso ayagoona awood idiin shegtay, Isbahaysigiina ma halkaas ayuu ku burburay misa wali wuu jiraa?.
C/shukri: maya, Isbahaysigii wuu burburay, waxaana kenay in ay naga saaraan Magalada Muqdhisho, xogagii Maxaakimta oo ahaa kuwo is diyaarinayay ilaa 1996 anaguna waxaan aheyn kuwo xiligaas bilaabmaya, waxeyna ahaayeen kuwaas kuwo gacanta ku hayay Waxbarashadii iyo Ganacsigii oo mudo Shan sano ah ay maamulayeen.
Najax: Magaca Argagaxisada ayaa la idinku eedaynayaa inaad Soomaaliya keenteen madaama xiligaas ka hor anan Soomaaliya laga hadal haynin in Argagiso ay joogto, marka so idinka masuul kama tihiin arintaas?.
C/shukri: Isbahayesigaan waxuu ahaa so celinta nabada iyo ladagalanka argagaxisda, hadii aan kasoo qabto qodka ah ladgaalanka argagaxisada iskama imaanin ee waxaa laga ansixiyay Golaha amaanka waxaana qaatay caalamka oo dhan oo ay kamid ahayeen Wadamada Islaamka oo Sacuudiga uu kamid yahay, sidoo kale waxaa kaloo saxiixay oo Xafiisyo loga furay Somaliland iyo Putland markaas xamarna waxaan damacnay inaan anagu ka qabano dhibatada laga soo xawilay Wadama shisheye, Muqdhishana aynan u noqonin meel ay dad shisheeye ah ku hardamaan.
Najax: Xiriir ma idin kala dhaxeeyay Xafiisyada aad shegtay in laga furay Somaliland iyo Putland?.
C/shukri: maya, ma jirin wax xiriir ah oo nagala dhaxeyay.
Isku so wada duuboow mudo shan bilod ah oo ay jireen isbaheysigaas ayeynan jirin wax ay qabteen, inkasto aynan jirin xitaa fursad ay u helaan in ay wax ku qabtaan, waxaana aad loga mucaaraday Magaalada Muqdhisho oo aheyd halkii laga dhisay ayado dadkuna ay nacbeysteen Magaca ladagaalanka Argagixisada walow qaar kamid ah hogaamiyaashaan lagu xaman jiray in ay dad Wadaado ah ay ka dhoofin jireen gudaha Magaalada Muqdhisho ayagoo hab Ganacsi ahaan ah ugu ib gen jiray meelo ka baxsan Soomaaliya.
Hada waxey ka jiraan Ururo la mid ah kii laga dhisay Koonfurta Soomaaliya 18,february,2006 mudo hada laga joogo Shan Sano Gobalada Waqooyi Bari Somaliland iyo waliba Gobalada Bari ee Putland kuwaaso aynan dadku la dhacsaneyn sida ay wax uqabtaan, waxaana ayagana lagu xantaa iney ku shaqeeyaan dano shisheeye oo aynan ku shaqeynin dano dad Soomaaliyeed.
Abdisalan Mohamed Ali.
Nairobi-Kenya.

Cabdi Shugri
Comments to date: 1. Page 1 of 1.
murjaan xumoow awxasan sacuudi arabia | 2:19am on Friday, June 4th, 2010 |
waxaan ahay wiil soomaaliyeed ee dagan k.s.a. sidaas darteed waxaan ka codsanayaa dawlada uu madaxda ka yahay sheeq shariif sheeq axmad inuu saMEEYO TANAASUL | |