Dowlada Ingiriiska ayaa ka fekereysa sidii xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ugu dari lahayd liiska waxa reer galbeedku u yaqaanaan argagixisada.
Sida lagu daabacay wakaaladaha wararka ee caalamiga ah qaarkood, xoghayaha arimaha gudaha ee dowlada Britain Alan Johnson ayaa baarlamaanka wadanka Britain waxa uu hordhigay warqad qoraal ah oo dowladiisu ay ugu dareyso xarakada shabaabul Mujaahidiin liiska waxa loogu yeero argagixisada.
Alan Johnson ayaa sheegay in baarlamaanka Britain ay arinkaas falanqeyn doonaan, ka dibna ay go'aan ka soo saari doonaan, sida uu sheegay xoghayaha arimaha gudaha ee dowlada Ingiriiska.
Xoghayaha arimaha gudaha ee dowlada Britain ayaa waxa uu sheegay in xukuumadiisu ay dhawaanahan ku howlaneyd sidii ay wax uga ogaan lahayd in dalkeeda dad ku sugan ay xiriir la leeyihiin xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Dowlada wadanka Mareykanka ayaa horey xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxa ay ugu dartay liiska waxa loogu yeero argagixisada, iyadoo ay la xiriirineysa in ay ku xiran yihiin ururka Al-Qaacida, walow xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay dhowr jeer sheegteen in ay isku si u arkaan alqacida danaha reer galbeedka.
Arintan waxaa ay ku soo aadeysaa xili midowga afrika uu u ololeynayo in xayiraad lagu soo rogo garoomada iyo dekedaha ay maamulaan Islaamiyiinta Soomaaliya ee ka soo horjeeda dowlada FKMG ee taageerada ka haysata beesha caalamka.
Xafiiska wararka Somalireal
Comments to date: 1. Page 1 of 1.
cabdulkhadir saciid jaamac boston ma u.s.a. | 5:24pm on Tuesday, March 2nd, 2010 |
waxaad ogaataan in aad ku qaldan tihiin ingiriiska weyka fiirsanayaan waxeey ka go aansan lahaayeen ee ma aha in aad tiraahdaan waxeey ku soo rogeen al-shabaab xayiraad warkan waad sameeyeeseen ee maydaan soo wergelin sidaa iyo nabad gelyo. | |