Khilaaf soo kala dhex dilaacay gudoomiye kuxigeenka baarlamaanka iyo wasiirka arimaha dibada ee Kenya



Khilaaf xoog leh ayaa waxa uu soo kala dhex galay gudoomiye kuxigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin iyo wasiirka ariamaha dibadda ee xukuumada Moses Wateng'ula.


Wasiirka arimaha dibadda ee xukuumada Kenya Moses Wateng'ula ayaa waxa uu baarlamaanka wadankiisa ugu baaqay inay baaritaan ku sameeyaan safarkii u dhawaan Somaliland ku tahay gudoomiye kugeenka baarlamaanka Faarax Macalin.


Moses Wateng'ula ayaa gudiga difaaca iyo xiriirka dibadda ee baarlamaanka wadanka Kenya u gudbiyey warqad qoraal ah oo uu ku codsanayo in gudigaas ay baaritaan ku sameeyaan safarkii uu dhawaan Somaliland ku tagay gudoomiye kuxigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin, kaasoo ay cabsho ka muujisay dowlada Puntland, gaar ahaan safarkii uu ku tagay magaalada Laascaanood ee lagu muransan yahay.


Gudoomiye kuxigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin ayaa dhinaciisa sheegay in  Moses Wateng'ula uusan awood u lahayn inuu soo farageliyo baarlamaanka, wuxuuna intaas ku daray in sharci ahaan uu isagu "Faarax Macalin" awood u leeyahay inuu baaritaan ku sameeyo wasiirka, sida uu gudoomiyuhu bbc-da u sheegay.


Faarax Macalin ayaa sheegay inuu Laascaanood tagay, isla markaasna si fiican loogu soo dhaweeyey, wuxuuna meesha ka saaray inay jiraan colaad laga qabay safarkiisa Laascaanood, sida uu hadalka u dhigay.


Kuxigeenka gudoomiyaha baarlamaanka Kenya Faarax Macalin  sheegay inuusan sheegin wax aqoonsi ah oo uu u hayo Somaliland, wuxuuna carrabka ku adkeeyey inuusan kaligiis go'aan ka gaari karin arinkaas, wuxuuse amaanay nabadgalyada ka jirta Somaliland.


Dhawaan ayey ahayd markii wafdi ka socda baarlamaanka Kenya oo uu hogaaminayey Faarax Macalin ay booqasho ku tageen Somaliland, iyadoo dowlada Puntland ay si weyn uga carootay socdaalkii uu ku tagay magaalada Laascaanood.


Xafiiska wararka Somalireal


www.somalireal.com

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Maamulka iyo wariyaasha Somalireal oo diraya hambalyada Ciida Soonfureed.
  Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxyadii maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
  Sheikh Maxamuud Shibli oo qoraal uga soo jawaabay su'aalo ay weydiiyeen shabakadaha warbaahinta ee Somalireal iyo halgan
  Diyaargarowga Munaasabada Ciidul Fidriga oo si aad ah looga dareemayo magaalada Nairobi.
  Xaalada Muqdisho oo maanta degenaasho aan caga badan ku taagneyn laga dareemayo iyo khasaaraha dagaalada oo sii badanaya