Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa dowladda
Afhayenka Xarakada Shabaab ee gobolada Jubbooyinka Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa sheegay in ay la socdaan ciidamo ay soo abaabuleyso dowlada Waxa uu sheegay in Kenya ay badashay Itoobiya ka dibna ay qandaraas cusub ka soo qaadatay Mareykanka oo ay dooneyso in ciidamo ay ka qoreyso gudaha dalkaasi si ay ugu soo weerarto Soomaaliya dhinaca gobolada Jubooyinka ayna ka warhayaan arintaas haddana ay ciidamo kuwaas ka mid ah ku suganyihiin xadka, waa sida uu hadalka u dhigaye. Afhayeenka ayaa waxa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay in ay u diyaargaroobeen in ay iska difacaan arintaas dhibka ah ee ka soo socota dalkaasi Warkan ka soo baxay Afhayeenka Al Shabaab ee Jubooyinka ayaa ku soo aadaya xili ay soo laalaabteen dagaalo ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Kenya una dhaxeya Ciidamo kama amar qaata Sheekh Axmed Madoobe oo ka tirsan Xisbul Islam iyo kuwa iyana taabacsan Al Shabaaab.
Somalireal-Muqdisho
Fikradaada ku darso.