Diyaarad nooca Rakaabka ah ayaa duhurnimadii maanta waxa ay ku dhacday garoonka diyaaradaha Bander-Qaasim ee magaalada Boosaaso.
Diyaaradan oo ay leedahay shirkada african airways ayaa waxa ay ka soo duushay magaalada Dubai, waxayna waday rakaab kor u dhaafaya 20 qof, kuwaasoo ay ku jireen shaqaalihii diyaarada, waxaana xiliga ay dhacaysay ay diyaaradu dooneysay inay soo caga dhigato garoonka diyaaradaha Bander-Qaasim ee magaalada Boosaaso.
Laba qof oo ka mid ahaa rakaabkii saarnaa diyaarada ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud, iyadoo la baarayo wixii dhaliyey dhicitaanka diyaarada, sida uu ku waramay Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.
Sida ay Somali Real u sheegeen saraakiisha garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, markii ay diyaaradu dhaceysay waxa ay ku soconeysay xawaare sare, taasoo laga yaabo inay dhalisay shilka, sida ay tuhunsan yihiin saraakiisha garoonka.
Ma 'ahan markii ugu horeysay oo sidan oo kale ay diyaaradi ugu dhacdo garoonka Boosaaso, waxaana horey shil noocaan oo kale ah u gashay diyaarad ay leedahay shirkada Daalo Airlines.
Somalireal-Boosaaso
Fikradaada ku darso.