Ururka Jaamacada Carabta ayaa sheegay inayan aqbali karin in Soomaaliya lakala gooyo, iyagoo cambaareyn u soo jeediyey dowlada Israel.
War qoraal ah oo ay soo saartay Jaamacada Carabta ayaa waxa ay ku sheegtay inayan marnaba aqbaleyn in Soomaaliya lakala jaro, waxaana bayaanka lagu cambaareeyey dowlada Israel oo dhawaan sheegtay inay aqoonsaneyso Somaliland.
Warka ka soo baxay Jaamacada Carabta ayaa waxaa lagu sheegay in ay Soomaaliya u aqoonsan yihiin hal wadan, isla markaasna Somaliland ay u 'arkaan maamul ka mid ah Jamhuuriyada Soomaaliya.
Jaamacada Carabta ayaa sheegtay in Israel ay dooneyso inay Soomaaliya kala goyso, waxaana qoraalka lagu sheegay in Soomaaliya ay mid tahay, isla markaasna aan la aqbali karin in la kala googooyo.
Warka ka soo baxay Jaamacada Carabta ayaa waxaa uu imaanayaa xili dhawaan dowlada Israel ay sheegtay inay Somaliland aqoonsaneyso, mana jirto dowlad aduunka ka tirsan oo Somaliland u aqoonsatay dowlad ka madax banaan Soomaaliya.
Xafiiska wararka Somalireal
Comments to date: 1. Page 1 of 1.
cabdulkhadir saciid jaamac boston ma u.s.a. | 2:59pm on Thursday, March 4th, 2010 |
aad baan ugu faraxsanahay jaamacada carabta go aanka ay gaareen oo ah in aan laka qaybin karin soomaaliya iyo canbaareynta ay ku canbaareeyeen israel aqoonsiga ay rabaan in ay aqoonsadaan hargeysa iyo burco kama aan maqal jaamacada carabta wax wanaagsan hase ahaatee waa markii kaliya ee ay caawiyeen soomaaliya taasi waxaa mahad iska meesha ay kaga taalo soomaaliya qaarada afrika sidaa iyo nabad gelyo. | |