Wadayaasha gaadiidka oo soo dhaweeyay how-galo Ciidamada Xisbul Islaam ka sameeyeen kala-bayr iyo Beer-Gadiid.



Wadayaasha gaadiidka ka shaqeeyo Gobolada dhexe iyo Puntland ayaa maanta soo dhaweeyay howl-galo ciidamo kamid ah Ururka Xisbul Islaam ka sameeyeen Wadada laamiga ah ee isku xirta Kala-Bayr iyo deegaanka Beer-gadiid ee Gobolka Hiiraan.


Max'ed Xasan C/llaahi oo kamid ah wadayaaha gaadiidka ka shaqeeyo Gobolada dhexe iyo Puntland,ayaa maanta sheegay in ay si'aad ah usoo dhawaynayaan howl-galo Ciidamada Ururka Xisbul Islaam ka sameeyeen Wadada laamiga ah ee isku xirta Kala-Bayr iyo deegaanka Beer-gadiid,waxaana uu sheegay in maanta uu soomaray Wadadaasi,islamarkasina ay u baaqatay sida uu sheegay lacago baad ah oo looga qaadi jiray Wadada.


Wadahani ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in Wadada laamiga ah ee dhinaca waqooyi ee Gobolka maanta lagu tilmaamikaro mid wanaagsan,marka laga eego dhinaca amaanka,isagoo Maamulka Ururka Xisbul Islaam ugu baaqay in ay sii wadaan howl-galada ay ku baacsanayaan kooxaha burcada ah ee caadaystay waxyeelada dadka musaafirka ah.


Inkastoo aysan ahayn markii ugu horaysay oo Ciidamo kamid ah kuwa Xisbul Islaam howlgalo nuucaan ah ay Wadadaasi ka sameeyaan,laakiin amaan darada ka jirta dhinca waqooyi ee Gobolka Hiiraan,ayaa waxaa ay tahay mid in mudo ah loo caal-waayay,waxaana lagu sababeeyaa Ciidamo Itoopiyaan ah oo xili kasto laga filan karo in aysoo dagaan Kala-bayr.


Somalireal.com B/weyne.


www.somalireal.com- Beledweyne.

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Maamulka iyo wariyaasha Somalireal oo diraya hambalyada Ciida Soonfureed.
  Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxyadii maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
  Sheikh Maxamuud Shibli oo qoraal uga soo jawaabay su'aalo ay weydiiyeen shabakadaha warbaahinta ee Somalireal iyo halgan
  Diyaargarowga Munaasabada Ciidul Fidriga oo si aad ah looga dareemayo magaalada Nairobi.
  Xaalada Muqdisho oo maanta degenaasho aan caga badan ku taagneyn laga dareemayo iyo khasaaraha dagaalada oo sii badanaya