Sheikh Maxamuud Maxamed Shibli oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee Kenya ku dhaqan ayaa sheegay dagaalkii Kismaayo ku dhexmaray Shabaab iyo Xisbul Islaam inuu ahaa dagaal aan diin ku saleysneyn.
Sheikh Maxamuud Shibli oo habeenkii labaad oo xiriir ah Muxaadaro ka wada Masaajidka uu imaanka ka yahay ee Hidaaya ee Nairobi ayaa sheegay xalay in dagaalkii Kismaayo ku dhexmaray Shabaab iyo Xisbul Islaam uusan ku salaysneyn diin, isla markaasna uu ahaa dagaal ay dhinacyadaas ku doonayeen hanashada dekeda Kismaayo.
Sheikha ayaa sheegay in ayan banaaneyn qof aan diinta waxba ka garaneyn inuu sameeyo Ijtihaad, isagoo carabka ku adkeeyey in wixii danbi ah ee uu qofkaas Jaahilka ah uu sameeyo qeyb weyn ka qaadanayo qofkii u sheegay ama u baneeyey waxa uu sameeyey.
Sheikha oo markii uu Maxaadaradiisa dhameeyey la weydiiyey su'aalo la xiriira Soomaaliya ayaa jawaab cad ka bixiyey waxyaabihii la weydiiyey, waxaana dadkii Muxaadarada dhageysanayey ay si weyn uga maqsuudeen qaabka aan leexleexadka lahayn ee uu Sheikha uga jawaabayey su'aalaha la weydiinayey.
Waxaa Sheikha la weydiiyey inuu kala cadeeyo cida ugu saxan dowlada FKMG Soomaaliya, Suufiyada iyo xarakada Shabaabul Mujaahidiin, wuxuuna Sheikh sheegay in Suufiyada uu mar danbe si faah faahsan uga warami doono, dowlada FKMG ahna wuxuu sheegay inay tahay dowlad magan u 'ah gaalo, isla markaasna ayan banaaneyn in miciin la bido.
Sheikha mar uu ka hadlayey Shabaabul Mujaahidiin, waxa uu sheegay in wax ay ku fiican yihiin ay jirto, wax badanna ay ka khariban yihiin, wuxuuna sheegay in wixii ay ku saxan yihiinna uu lagu raaco, wixii ay ku khaldan yihiinna uu laga leexdo, isagoo xarakada Shabaabna ugu baaqay wixii khalad ah ee loo sheego inay qaataan oo ka haraan, hadii ay diin ku socdaan, sida uu Sheikhu sheegay.
Sheikh Shibli ayaa mar kale ka digay Madaafiicda kooxaha Islaamiyiinta ah ay ka dhex tuurayaan shacabka, wuxuuna sheegay in dagaalka lagula jiro AMISOM uu sax yahay, balse wuxuu carrabka ku adkeeyey in wax badan oo aan sax ahayn ay ka socdaan Soomaaliya, loona baahan yahay in la kala hufo, sida uu Sheikhu sheegay.
Sheikha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka dhaceen dagaalo badan oo u dhexeeyey Muslimiin, wuxuuna tusaale u soo qaatay dagaalkii 1992-dii gobolada Bari ku dhex maray wadaadadii Itixaadka iyo jabhadii SSDF, dagaalkii Araare ku dhex maray Al-Itixaad iyo USC, kuwii Kismaayo dhawaan ku dhex maray Xisbul islaam iyo Shabaab, kuwii dhex mari jiray qabiilada Soomaaida, iyo kuwa hada laga baqayo inay ka dhex dilaacaan Shabaab iyo Xisbul Islaam, wuxuuna Sheikhu sheegay in dagaaladaas oo dhan ay yihiin dagaalo u dhexeeya Muslimiin qiilna aan loo heli karin, sida uu sheegay.
Muxaadarada Sheikha ayaa socon doonta habeenada fooda inagu soo haya, waxaadna hadii alle idmo Muxaadarooyinka oo maqal ah aad ka heli doontaan shabakaaha Somalireal.com iyo halgan.net hadii alle dimo.
Somalireal-Nairobi
Comments to date: 11. Page 1 of 1.
C/rahmaan muuse Mozanbig | 5:43am on Sunday, March 7th, 2010 |
A.c ikhwaanii culumadu haydin ka baxsato yaanan la aflagaaden sheekhu hada cidna muusan durin waxjira ayuu sheegay markaa luxuumul culumaa waa sun | |
ibnu caadil soth africa cepton | 6:08pm on Saturday, March 6th, 2010 |
shekh mohamud xafidahulaah wuxukamid yahay mashaaikhdeyda intabihuu yaaikhwaan culumada halooga dambeeyo fadwada dhalintana haqaadato naseexada wabilaahi towfiq was clk wr wb | |
ibnu caadil soth africa cepton | 6:08pm on Saturday, March 6th, 2010 |
shekh mohamud xafidahulaah wuxukamid yahay mashaaikhdeyda intabihuu yaaikhwaan culumada halooga dambeeyo fadwada dhalintana haqaadato naseexada wabilaahi towfiq was clk wr wb | |
ibnu caadil soth africa cepton | 6:06pm on Saturday, March 6th, 2010 |
shekh mohamud xafidahulaah wuxukamid yahay mashaaikhdeyda intabihuu yaaikhwaan culumada halooga dambeeyo fadwada dhalintana haqaadato naseexada wabilaahi towfiq was clk wr wb | |
Abdirahman Abdi London | 3:45pm on Saturday, March 6th, 2010 |
Bismilah, | |
xasan kaliforniya | 9:02am on Saturday, March 6th, 2010 |
ASC sxb yaal wax walbo waan isku qilaafnay xitaa diintii! majiraan dad sidan isku qilaafo hadii ay jiraan waa la duleeyaa aduun iyo aakhiro akhriya taariikhda | |
Mukhtaar boosaaso | 2:51am on Saturday, March 6th, 2010 |
sxb ninka la yiraahdo maankey siak dhaaf waxa aad ku tuhmeyso sheeka arinta fikirkaaga ka dhiibo diina ahaan ee qabyaalad ha u dhigin sidaas ma fiicna waa ka weyn yahay shek nin qabyaaladeed waa shik umada u dhexeeya mida kale ninka aweys la dhaho ee sxb key ah wuxuu yiri rayi kama qaadaneyno adiga intee diinta ka taqaanaa jaahil kasta wuu iska qeylinaayaa | |
Maankeey kampala | 2:49am on Saturday, March 6th, 2010 |
waan kasnay waxa sheeqa sheegay laakiin waa la soo daahay hada ma ahaya inuu sheego ee mat horaa laga rabay mid kale dagaalka kismaayo waa fitno kan xamar waa jihaad haduu sheekh saas doonaayo waa cadahay waa qabyaalad ma wuxuu rabaa in reer xamar la dhameeyo reer ksimaayana la xifdiyo saas miyaa | |
aweys muqdisho | 2:44am on Saturday, March 6th, 2010 |
culimada waxa ay sheegayaan waa is qilaafsan yihiin mana kayeeleyno wax aan diinta ka mid ahayn oo rayigooda ah kuma raaceyno wixii diib ah waan qaadaneynaa waanna ku raacsan nahay laakiin wadaadadaas waxay neceb yihiin shabaabul mujaahidiin waana cadahay taas marka dad is hayo waaye iskuma qabaneyno | |
aweys muqdisho | 2:44am on Saturday, March 6th, 2010 |
culimada waxa ay sheegayaan waa is qilaafsan yihiin mana kayeeleyno wax aan diinta ka mid ahayn oo rayigooda ah kuma raaceyno wixii diib ah waan qaadaneynaa waanna ku raacsan nahay laakiin wadaadadaas waxay neceb yihiin shabaabul mujaahidiin waana cadahay taas marka dad is hayo waaye iskuma qabaneyno | |
Xirsi garoowe | 2:37am on Saturday, March 6th, 2010 |
waxaan salaan iyo bogaadin usoo diraaya web site kan qiimaha leh waan la soconaa mar walba sida aad xooga u saareysaan soo gudbinta akhbaarta culimada anaga waxaa rabnaa in wax la cadeeyo wax badan baa isku qasan ilaahay ha barakeeyo sheeikha | |