1 qof ayaa ku geeriyooday 6 ruux oo kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray,markii xalay gaari Dhayne ah kula rogmaday meel 10 KM u jirta deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan.Dhaawaca iyo maydka ayaa saaka lasoo gaarsiiyay Isbitaalka Weyn ee Magaalada B/weyne oo ay gacanta ku hayso Hay'adda MSFSW,si dhaawacooda loogu daweeyo,waxaana dadka dhawaca ah sadex kamid ah ay yihiin kuwa halis ah sida ay sheegeen qaar kamid ah saraakiisha caafimaadka.
Gaarigan xalay rogmaday ayaa waxaa uu shalay gilinkii danbe ka tagay Degmada B/weyne,waxaana uu shidaal u waday deegaanka Moqokori,iyadoo shilkanna uu ka dhashay sida lasheegay markii gaariga oo ku socday si xowli ah ay u baxeen taayerada hore,kadibna uu shilka dhashay.
Inkastoo aysan ahayn markii ugu horaysay oo shil nuucaan ah ka dhaco wadooyinka Gobolka Hiiraan, ayaa hada waxaa inta badan lagu sababeeyaa wadayaasha gaadiida oo aan qibrad wanaagsan u lahayn wadida gaadiidka iyo burburka wadooyinka oo siixumaaday.
Somalireal-Beledweyne.
Fikradaada ku darso.