Wadamadii horey u balan qaaday inay ciidamo u soo dirayaan Soomaaliya oo ka cagajiidaya hirgelinta arinkaas



Wadamadii horey ugu balan qaaday inay ciidamo u soo dirayaan Soomaaliya ayaa haatan u muuqda kuwa ka cagajiidaya hirgelinta arinkaas.


Wadamada Nigeria iyo Malaawi oo ka mid ahaa dowladihii horey u balan qaaday inay ciidamo u soo dirayaan Soomaaliya ayaa sheegay inayan ciidamadooda u diri karin wadanka Soomaaliya, sababo la xiriira xaalada Soomaaliya oo ka sii dareysa awgeed.


Dowlada FKMG Soomaaliya ee taagta daran ayaa iyadu horey ugu qeylo dhaansatay in ciidamo lala soo gaaro, iyadoo wadamada ku jira midowga afrika ay dhowr jeer ku celiyeen inay fulinayaan balanqaadyadii horey ay ugu fidiyeen dowlada FKMG Soomaaliya.


Wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD ayaa iyagu isku dayaya inay buuxiyaan kaalinta ay baneeyeen dowladaha kale ee afrikaanka ah, iyadoo dowlada Jabuuti ay sheegtay inay ciidamo dhowr boqol gaaraya u soo direyso Soomaaliya, waxaana sidoo kale sheegay inay ciidamo dheeraad ah soo dirayaan wadamada Uganda iyo Burundi oo ay hada ciidamo ka joogaan magaalada Muqdisho.


Midowga afrika  ayaa hada magaalada Muqdisho waxaa ka jooga ciidamo kor u dhaafaya 5000- oo askari, waxayna ciidamadaas ilaaliyaan amaanka Mas'uuliyiinta dowlada iyo dekeda iyo garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in ay ciidamadaas gaboodfalyo aan la soo koobi karin ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.


Xafiiska wararka Somalireal


www.somalireal.com


 

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Maamulka iyo wariyaasha Somalireal oo diraya hambalyada Ciida Soonfureed.
  Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxyadii maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
  Sheikh Maxamuud Shibli oo qoraal uga soo jawaabay su'aalo ay weydiiyeen shabakadaha warbaahinta ee Somalireal iyo halgan
  Diyaargarowga Munaasabada Ciidul Fidriga oo si aad ah looga dareemayo magaalada Nairobi.
  Xaalada Muqdisho oo maanta degenaasho aan caga badan ku taagneyn laga dareemayo iyo khasaaraha dagaalada oo sii badanaya