Mudanayaal ka tirsan Barlamaanka Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland kulan kula qaatay Golaha Wasiiradda ee Puntland oo maanta yeeshay kulankoodi todobaadlaha ah.
Wefdiga Barlamaanka Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa qayb ka ahaa Xildhibaan Xassan Abshir Faarax iyo Xareed Ciise oo iyagu kasoo jeeda degaanadda Puntland,waxaana ay xarunta madaxtooyada kula kulmeen Xukuumadda Puntland.
Wasiirka Warfaafinta Puntland C/xakiim Axmed Guuleed kaas oo sheegay in ay dhambaal kawadeen masuuliyinta Dowladda KMG ah iyo Beesha Caalamka ee daneeya Xirrirka u dhaxeeya Puntland iyo Dowladda ka dib markii uu Saxaafadda la hadlay.
Waxaana uu Wasiirka sheegay in labadda dhinac ay iskusoo gudbiyeen warbixino kala duwan oo taabanaya dhinacyo badan.
Sidoo kale wuxuu sheegay in dhowaan ay Saxaafadda usoo bandhigi doonaan heshiisyada iyo go'aamada kasoo baxa wada hadalada ay qaadanaayan labadda dhinac.
Wafdi xildhibaano ah oo ka socda baarlamaanka FKMG Soomaaliya ayaa dhawaan ka ambabaxay magaalada Nairobi, iyagoo safarkooda uu qabanqaabiyey wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya.
Somali Real-Garoowe
Comments to date: 2. Page 1 of 1.
cabdulkhadir saciid jaamac boston ma u.s.a | 4:50pm on Monday, March 8th, 2010 |
waxaan aad ugu faraxsanahay xassan abshir in uu ka mid yahay ergayga puntland u jooga paarlamaanka soomaaliya waxaan ka sii jaclaan lahaa in uu ka mid noqdo paarlamaanka puntland ama madaxda puntland waanu u baahan nahay asgoo kale waa nin karti leh magacna ku leh reer puntland waxaan rajeynayaa in uu san ku noqon xamar sidaa iyo nabad gelyo. | |
Cali Location unknown | 1:51pm on Monday, March 8th, 2010 |
waa ku faraxsanahay shirka dowlada iyo maamul goboleedka puntland waa tilaabo soo dhaweyn iyo ku dayasho mudan waxaan soo jeedinaayaa somaliland sidaasoo kale hayeesho waa gobonimo puntland ay dheedhahay gobolada kale guul iyo hambalyo baan u soo dirahayaa maamul goboleedka puntland | |