Wadayaasha gaadiidka ka shaqeeyo Gobolada dhexe,kuwa Waqooyi iyo kuwa Koonfureed ayaa waxaa ay cabasho ka muujiyeen marista Wadada laamiga ah ee Gobolka Hiiraan,kadib markii ay burburtay.
Qaar kamid ah wadayaasha gaadiidka ka shaqeeyo Magaalooyinka B/weyne ilaa Muqdisho,ayaa waxaa ay maanta daboolka ka qaadeen in Wadada laamiga ah iyo Buundooyinka Waadiyaasha ee Gobolka Hiiraan ay noqdeen kuwo ay qatar tahay marka ay marayaan,maadaama ay yihiin kuwa aan wax dayactir ah helin in mudo ah.
Max'ed Cali Xaaji oo kamid ah wadayaasha oo saaka saxaafada lahadlay,ayaa waxaa uu sheegay in ay qarka u saaran yihiin in ay sameeyaan shaqo joojin maadaama aysan awood u lahayn in ay hagaajiyaan Wadada dheer ee laamiga ah,isagoo sheegay in mararka qaar dadka ay ka dajiyaan marka ay mararayaan meelaha qaar si naftooda ay halis u galin.
Max'ed ayaa Hay'addaha,Ganacsatada iyo gaadiidlayda ugu baaqay in ay u istaagaan sidii ay u hagaajin lahaayeen Wadooyinka,taasi oo uu sheegay in ay dan u tahay umada Soomaaliyeed ee dagaalada kasoo daalay.
Hadalka wadayaasha ayaa waxaa uu imaanayaa xili laga dayrinaayo xaaladeeda Wadada laamiga ah ee isku xirta Gobolada Soomaaliya,iyo xili ay qarka u saaran yihiin in ay burburaan Buundooyinka Waadiyaasha oo laamiga dulmaro,iyadoo dhawaan gaari xamuul ah ay laguday Buundada Nuur Fanax ee Gobolka Hiiraan.
Somalireal-B/weyne
Fikradaada ku darso.