Kooxo hubaysan oo maanta Suuqa Bakaaraha ku toogtay Sarkaal katirsanaa Ururka Xisbul Islaam.



Kooxo hubaysan ayaa maanta gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxa ay ku toogteen Sarkaal katirsanaa Ururka Xisbul Islaam.


Dilka Sarkaalkan ayaa yimid kadib markii kooxo hubaysan oo ilaa iyo iminka aan haybtooda la garan ay dhowr Xabadood madaxa kala dhaceen xilli uu marayay nawaaxiga Daarta lagu magcaabo Maalin Taajir oo ku taala gudaha Suuqa Bakaara.

Sarkaalkan la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Barre Cali Barre, waxaana dilkiisa Saxaafada reer Muqdisho u xaqiijiyay dad goob joogayaal ah oo ku sugnaa goobta uu falku ka dhacay.


Macada ilaa iyo haatan sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya dilka loo geystay sarkaalkaasi Xisbul Islaam katirsanaa, iyadoo gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee Ururka Xisbul Islaam Sheekh Ibraahim Barre Cismaan oo shir jaraa'iid ku qabtay gudaha Suuqa Bakaaraha dilka kadib uu sheegay in baaritano ku sameyn doonaan cidii ka dambeysay dilka loo geystay Barre Cali Barre oo Saraakiisha Ururka Xisbul Islaam ka tirsanaa.

Somalireal-Muqdisho


www.somalireal.com


 


 

Comments to date: 4. Page 1 of 1.

qalooc   nayroobi

12:04pm on Tuesday, March 9th, 2010

WAA WAX LAGA XUMADO DILKA NINKA MUJAAHIDKA AH ........
WAXAANAN LEEYAHAY ILAAHAY HA UNAXARIISTO JANADIINA ILAAHAY HAKA WARAABSHO

Mukhtaar   Boosaaso

8:01am on Tuesday, March 9th, 2010

waxaan lahadlaaya ninka ladhaho aweys wuxuu yiri mujaahidiinta cadow baa ku dhaxjiro muxuu ka wadaa ma wuxuu leeyahay cid kalaa dishay cid kala madilin ee waxaa dilay shabaab waa la ogyahay ee dadka ha jagwareerinin cidna kaama yeeleyso inaad meel kale u saartid sxb

Bashiir   Location unknown

5:51am on Tuesday, March 9th, 2010

aniga waxaa ila muuqataa in ay wax iska cad yihiin bare waxaa dilay al shabaab iyakaa u dhaarsanaa horay way u sigeen marka waa wax cad wuxuu ka mid yahay nimanka u dhaarsan yihiin shabaab asaga iyo afhayeenka xisbiga waxaa dilkaas fuliyey kooxda qaarijinta shabaab

Aweys   Xamar

5:47am on Tuesday, March 9th, 2010

ilaahay ha u naxariisto walaalkeen bare wax hala hubsado cadow ayaa mujaahidiinta ku dhax jiro marka xibul islaam ha tartiibsadaano oo ha xaqiijiyaano yey iska deg degin sidaas aa ila fiican oo lagu guuleysan karaa

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Maamulka iyo wariyaasha Somalireal oo diraya hambalyada Ciida Soonfureed.
  Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxyadii maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
  Sheikh Maxamuud Shibli oo qoraal uga soo jawaabay su'aalo ay weydiiyeen shabakadaha warbaahinta ee Somalireal iyo halgan
  Diyaargarowga Munaasabada Ciidul Fidriga oo si aad ah looga dareemayo magaalada Nairobi.
  Xaalada Muqdisho oo maanta degenaasho aan caga badan ku taagneyn laga dareemayo iyo khasaaraha dagaalada oo sii badanaya