Abaabulo ka dhan ah kooxaha Islaamiyiinta ah ayaa ka soconaya gobolka Geeska Afrika, waxaana abaabuladaas qeyb weyn ku leh dowlado dhowr ah.
Abaabuladan ayaa waxaa horboodeysa dowlada FKMG Soomaaliya, iyadoo sidoo kale ay ka mid yihiin qaar ka mid ah hogaamiyayaashii dagaalka, waxaana gadaal ka riixaya dowladaha Mareykanka, Kenya iyo Itoobiya.
Qorshaha abaabulkan ayaa bilowday goor sii horeysay, waxaase la dardar geliyey maalmihii ugu danbeeyey, iyadoo warbaahinta Kenya qaarkood ay sheegtay in ciidamo lagu tababarayey gudaha wadanka Kenya loo dhameeyey tababarkii, isla markaasna ay diyaar u yihiin inay u soo dhaqaaqaan dhinaca xuduuda Soomaaliya, si ay ula dagaalamaan Islaamiyiinta gacanta ku haya Koonfurta wadanka Soomaaliya.
Ilo xogogaal ah ayaa Somalireal u xaqiijiyey in ciidamo kor u dhaafaya 2000-oo askari ay diyaar yihiin, kuwaasoo in dhawaaleba tababar uu uga socday xerada Manyani ee xeebta ku taala, waxaana ciidamadan ay ka soo jeedaan gobolada Jubooyinka ee koonfurta Soomaaliya, waxaanse kala cadeyn hadii dowlada Kenya ay si toos ah dagaalka uga qeyb qaadan doonto iyo in kale.
Dhinaca kale dowlada Mareykanka ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in dowlada FKMG Soomaaliya ay ka caawin doonto dhinaca cirka, gaar ahaan marka ay timaado dagaalka dowladu isku diyaarineyso inay la gasho Islaamiyiinta ka soo horjeeda.
Sidoo kale waxaa ay abaabulo ka socdaan xuduuda dhinaca gobolka Gedo la wadaago dhulka ay Soomaalidu degto ee ay Itoobiya maamusho, waxaana dhaqdhaqaaqyadaas qeyb ka 'ah qaar ka mid ahaa hogaamiyayaashii dagaalka ee Koonfurta Soomaaliya
Dowlada FKMG Soomaaliya ayaa waxaa soo gaaray ciidamo tababar ugu maqnaa, kuwaasoo ka kala yimid wadamada Uganda, Jabuuti iyo kuwa kale oo xaadir ku ah gudaha Itoobiya.
Dhinaca Islaamiyiinta waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin iska caabinta duulaanka ku soo wajahan, walow khilaaf uu ka dhex muuqanayo Ururada Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam, balse marka ay timaado weerar banaanka uga yimaada waxaa lagu wadaa inay isku saf ka dagaalamaan.
Lama saadaalin karo sida xaalku ku danbeyn karo, iyadoo dadka ku nool dhulka laga baqanayo inay dagaaladu ka dhacaan ay soo food saartay xaalad cabsi ah oo aan sahlaneyn.
Xafiiska wararka Somalireal
Fikradaada ku darso.