Xaflad maanta ka dhacday xarunta Dowladda Hoose ee magaaladda Boosaaso ayaa waxaa xilwareejin sameeyey maamulki hore ee degmadda Bosaaso isla markaana xilka ku wareejiyey maamulka cusub ee uu soo magacaabay Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole.
Odeyaal,Waxgarad,Culima'udin,Nabadoono,Haween iyo masuuliyin ka tirsan Dowladda Puntland ayaa goobjoog ka ahaa munaasabada kuwaas oo hambalyo u kala diray labadda maamul ee booska isu baneeyey.
Duqii hore ee Boosaaso C/risaaq Xareed Ismaacil ayaa xilka ku wareejiyey Duqa Cusub ee Boosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje,waxaana uu sheegay in ay la shaqaynayaan maamulka cusub, isla markaana soo dhoweynayaan hadi ay yihiin maamulki hore.
Duqa Cusub Maxamuud Beeldaaje ayaa sheegay in ay lama huraan tahay in ay garab ka helaan shacabka kala duwan ee ku dhaqan magaaladda Boosaaso si ay u gutaan waajibaadka horyaala.
Wasiirka Amniga Jenraal Yuusuf Axmed Kheyr ayaa hambalyo iyo dhiiragelin usoo jeediyey maamulki hore iyo kan cusub,waxaana uu maamulka cusub ugu baaqay in ay si aad ah uga shaqeeyaan arimaha amaanka, isagoo sidoo kale shacabka ugu baaqay in ay gacan ka siiyaan.
Dhamaan dadkii kasoo qaybgalay ayaa soo dhoweeyey maamulka cusub isla markaana ugu baaqay in ay gutaan howlahooda horyaala.
Somali Real-Boosaaso
Fikradaada ku darso.