Abwaan Cabdirashiid Cumar Al khaalidi (ina cowsgurow). Waa Abwaan da'yar oo ku dhashay Magaalada Garissa Sanadku markuu ahaa 1980.



Abwaanku wuxuu Gabayo ku tiriyaa Luuqadaha Igiriiska iyo Soomaaliga iyo luuqada sawaaxiliga, isagoona hada soo saaray Calajad cusub oo ka kooban Toban Gabay.
Si ka gedisan abwaanadii isaga ka horeeyey iyo waliba fanaanintii horey u sameeyey heesaha,  abwaanka waxa uu dorrbiday in gabeyadiisa uu meel isu geeyey ka dibna u bixiyo magaca '' Haan maanseed'' isagoo diidan adeegsiga magaca '' album'' oo ah eray laga dhaxlay luuqad qalaad. ''Album waa shey wax lagu shubto,haana waa sidoo kale marka maxa nagu qasbaya in aan isticmaalno erayga '' Album '' inagoo heli karma erey soomaali ah oo u dhigma'' Sidaasi waxa yiri abwaanka oo aan kula sheekeystay magaalada Nairobi caasimada dalka Kenya .




Haantaan Gabayada ah ee cusub waxaan uu baxshay magaca �Dheelmato� Waxeyna ka kooban tahay Gabayo ka kala hadlaayo arimo kala duwan oo ay kamid yihiin Nabada, Colaada ama dagaalada, wacyigelin ku saabsan cudurka dilaaga ah ee Aids-ka iyo waliba kor uqaadida Luuqada Soomaaliga oo uu abwaanku ku muujinayo in leejada kasta oo kamid ah afka Soomaaliga ay leedahay xaqeeda.



Inta badan dadka Soomaaliyeed ee ku so barbaaray gudaha dalka soomaaliya waxay ku xagliyaan kuwa aanan kusoo korin dhulka soomaaliya in ay yihiin dad badan kooda aanan wax badan ka aqoonin luuqada soomaaliga, dadkaaso ay ku jiraan kuwa ku dhaqan Gobalka Waqooyi Bari Kenya oo uu ka soo jeedo Abwaankaa Abdirashid ina Cowosgurow, waxayna soomalida qaarkooda ugu yeeraan dadka reer waqooyi bari ee Kenya �SiJuui� oo ah erey swaaxili ah micnihiisana yahay � Magaranayo� .



 



Abwaan Abdirashid, oo arintani ula muuqata  faquuq dhinaca lahjada isla markasiina ka duulaya aya waxa uu sameeyey, tiriyeyna  Gabay uu ugu hadlayo lahjadaha kala gedisan ee afka soomaliaga.
Abwaanka waxa uu magaalada gaarisa ku soo bandhigay �Haan Maanseedkiisa��. Waraysi uu siiyey Somalireal, ayuu waxa uu uga waramay taarikhdiisa.
��Waxaan ku dhashay magaalda Garissa sanadii 1980 halkaas oo an ku soo qatay waxbarashadeyda ilaa heer dugsi sare.
Hada waxaan dhigtaa jaamacad ku taalo magaaladaan Eldoret oo la yiraahdo Moi University. waagaan yaraana waxaan xiseyn jiray in aan dhageysto ama aan xifdiyo Gabayada abwaanada soomaliyeed sida Sayid Maxamed Cabdile Xasan, Dhoodaaan, Abshir Bacadle iyo Careeys Cise Kaarshe.
Waxaana aan anigu toos ubilaabay inaan gabyo sanadii 2003, gabaygeeygii ugu horeyay ee aan tiriyo waxaa ladhihi jiray Qurxan, markaas kadib waxaan horay usii waday in aan marba ka alifo xaaladii aan isdhaho waa ay ku haboon tahay in gabay laga tiriyo.
Hada waxaan dhameyay Haanteeydii Kowaad oo ah mid Maqal iyo Muuqaal ah waxaana ay ka kooban tahay 10 toban Gabay.
waxaan diyaarinayaa  Haantii labaad oo aan rabo in dhawaan aan soo saaro, taaso ayadana ah Maqal iyo Muuqaal, waxaana I diyaarsan hada lix gabay oo kamid ah kuwa aan ku soo saari doono Haanteyda labaad ee ku xigto tan aan hada u soo bandhigaayo Shacabka Soomaaliyeed ee Fanka jecel taasoona la dhaho Dheelmato.




Mar uu ka hadlayay Abwaanku habka u tiriyo Gabayadana wuxu yiri.
�Aniga Sadex qaab ayaan u tiriyaa Gabayadeyda kuwaaso kala ah Sadex leydii Sayidka, Saarkii Careeys Cise Kaarshe iyo habka uu ugabyo Dhoodaan.
Si kastaba ha ahaatee abwaanka ayaa waxu kasii warbixiyay Haantiisaan cusub ee lagu magacaabo Dheelmato iyo waliba Gabayada ku jiro Asagoona hal hal oga sheekeyay waxuuna ku bilabay Gabaygiisi ugu horeyay ee Qurxan kaaso hadana ku jiro Haantaan cusub waxuun yiri.




Gabayga Qurxan
Qurxan waa Gabaygeygii ugu horeyay ee aan tiriyo waxaana iga keenay Caro iyo xanaaq ka yimid fal qaab daran oo ay ugu samaysay gabar uu abwaanku ugu magac daray Qurxan.



Waxa uuna intaasi raaciyey isgoo ka faaloonaya falka ay gabadha ku samaysay �� Anigoo habeen  hoos maraya mid ka mid ah dabaqyadda ku yaala xaafad la yiraahdo Mlango kubwa oo magaalada Nairobi aya waxa kor iiga imaaday oo igu daatay biyo wasq ah oo ay soo daadisay gabar soomaliyeed. Ka dib intay luqunta soo taagtay oo ay qosol isla rogaty ayey dhismihii ku carartay�



Ka dib ayaan bilaabay in aan qaado gabayga �Qurxan�




Qurxan waa canaan uu abwaanku ku canaanayo dadka soomaaliyeed asagoo carabka ku ad keynaayo falalka akhlaaq darida ku saleysan ee qaar kamid ah dadka soomaaliyeed ay sameyaSida wax yaabaha Qurunka ah oo wadada lagu seyriyo, masuuliyada oo anaan la ilaalinin,  , qofka weyn oo anan la xushmeynin iyo waliba
Dan Qof iyo anaaniyo (the individual not caring about the society).



 



Gabayga Difaac
Gabayga difaac waxaa ku jirto arayo uu abwaanku ku saxaaayo afka soomaaliga gaar ahaan qof kasto oo lahjadiisu la weyn tahay ama u haysta in ay lahjadiisa ka fiicantahay lahjadaha kale ee ay soomaalidu ku hadasho. Waxuuna yiri Abwaanku asagoo ka sheekeynaayo Gabayga Difaac



 



"Af guri af guri ka fiican ma jiro ayuu lamid yahay nuxurka gabayga difaac".



Gabayga Ma�lamo
Ma�malo waa Gabay tilmaamaayo xanuunka dadka soomaaliyeed kasoo garay dagaalada sokeeye ee ka jiro gudaha wadanka soomaaliya, dhibaatada badanna gaarsiiyay shacabka aanan waxba galabsanin ee maatada ah.
Waxuuna isku dayay Muri maalkaan inuu falanqeyo waxa sababay colaadaha aanan daba go�a laheyn iyo Wafuuda ama madaxda loo diro Shirarka soomaaliya nabada loogu raadinaayo ayadoona Erayada ay kamid yihiin kuwa ku jiro Gabayga Ma�lamo



 



�Cid walbaba majnuun bey u diri geed maslaxa doone.



Oy waano meerini inuu magac u doodaaye.���..



Mansab reerka meeqaan la siman meesha kabakeene�



Sidoo kale Bartamaha Gabaygaan Abwaanku wuxuu dadka Soomaaliyed qaarkood ku tilmaamay iney la mid yihiin:



Qof isku dayay inuu maalo aar ama qof waalan oo midi u afeystay inuu Qodax kaga bixiyo Maroodi ama uu qodxiyo maroodi ay qodax ku jirto.



Soomaaliyna misaalkaa cad buu yahay muraaf-keeda.



Mid walbaba madaafiic ugaday muran dhameentiye��



Ayuu ku leyahay qeybaha dhexe ee gabaygiisa Ma�lamo.



Gabayga Xikmo




Xikmo waa gabay xarafka (Dh) dha ku socdo, Tilmaanta Gabaygaan wuxuu Abwaanku ku tilmaamay in aay Xikmadu tahay shey dahsoon oo inta badan dad ku aynan dareemeynin waxaa kamid ah tixda gabaygaan.



 



�Iyadoo durbaan qaadato danab ka yeersiisay.



Yuu doofilkaan maan-laheyn abid dareemeyne



Dhanka kale ayadoo ladhaho dadka soomaaliyeed waxey inta badan sameyaan bowsi oo xaga wax barashada kuma horeyaan ayuu gabaygaan waxuu u far fiiqayaa umada soomaaliyeed iney tahay kuwo tacliinta jecel asagoona ku yiri gabayga dhexdiisa sida tahan.



�Maxaan oga dareemeyn sidaas kuwii daruus qaatay�



Qabyaalada oo ah cudurka ugu weyn ee soomaalida haysata ayuu ka ayadana sidatan mar uga hadlay mar uu dhankeeda ku eegay gabayga Xikmo oo dhinacyo badan wax ka tilmaamaayay.



 



�Kuwii iney ina daweeyaan ahayd baa usii darane�



Duriyaad duruus jaamacad beesha ugu deeqday



Oo dahan qabiil baa jiro dalabka naafeyne�..



Dhanka kale waxuu Gababada Gabaygaan waxuu kula hadlayaa Mutacalimiinta ama dadka wax bartay ee soomaaliyed kuwaaso loo bahan yahay iney ufaa�ideyaan dadkoda.



 



�Adigoo duruus qaadatoo door shaqaad gaartay�



Hadaad sidii duqii tuuladiyo doqon u faalooto



Dalka dumisay daawana ma lihid daalimka tahaye



Hadaad doorsameysay jaahiloow daniyo yeelkeeda�



Ayaa kamid ah erayada ku jiro gabayga Xikmo oo ah gabay ka hadlaayo xikmada dhinacyo faro badana wax ka tusaaleynayay dadka soomaaliyeed.



Gabayga Dheelmato.
Gabaygaan waa gabayga magaciisa loogu magac daray Haanta koowaad ee uu leyahay abwaan C/rashiid Cumar (ina cowsgurow).
Gabaygaan Dheelmato abwaanku waxuu markiisu hore ku qoray luuqada English-ka balse markii danbe ayuu uturjimay afka soomaaliga oo uu hada ku qoran yahay.
Taariikha curiska gabayga dheelmato.
Dheelmato waxuu ku dhashay abwaanka asagoo joogo magaalada Kwale oo ka tirsan Gobalka xeebta, xilligaas oo uu ahaa macalin wax baro dad halkaas ku sugan iyadoo magaalada Kwale tahay magaalo aad u kaneeco badan .




Waxuna ka hadlay arinta kaliftay in uu sameyo Gabaygaan, waxuuna yiri.
�Habeen habeenada kamid ah ayaan ilaaway in aan xirto Shandarawadii aan ku seexan jiray maadaama ay meeshu aheyd meel aad u kaneeco badan.
Balse markii aan xoogaa jiifay ayey kaneeco iga dharagtay oo ay hurdadii ii diday waxuna. waxaan soo kacay mar danbe anigoo kor koo dhan I xanuunaayo, hurdada I haysay oo badneyd iyo bal balka jirkeyga ayaa isla markiiba waxaa igu so dhacay
Gabayga dheelmato Erayo kamid ah. Waxaan markii hore ku qoray  luuqada English-ka, isla meeshii ayaan ku qoray  Erayo ay kamid ahaaneen kuwaan.



 



�My nightly visitor�



My bashful nifty lover



She trusts the darkness most



And appears only on night



Bashful



Mudo kabacdi ayaa erayadaan waxaa arkay qoraaga soomaaliyeed ee lagu magacaabo Khaliif Ashkir Diini, isla markiiba Qoraagu wuxuu kula taliyay Abwaanka inuu Gabaygaan ubadalo Afka Soomaaliga.



Waxuuna yiri abwaanka �waxa ila  qurux badnaantay inaan raaco talada Qoraaga oo aan saxiibo nahay. Markaas ayaana u howl galay inaan gabayga soomaali uturjumo,
Gabayga dheelmatana waxaan ka keenay halkaas.



Dheelmato.
Bilowga Gabayga dheelmato Abwaanku wuxu oga sheekeynayaa Gabar uu shukaansaday oo uu jeceyl ku dhaliyay isla markaasna isaga sidaas kula saaxiibtay.
Gabartaas wuxuu ku tilmaamay iney tahay gabar xishood badan oo habeenkii un usoo dheelmata.



Waxaana ka mid ah erayadda gabayga Dheelmato�.



 



�Waa inan xishood dhaaday oo dharar hiloow qaaday



Iyo dhamac jaceyl uu ku dhumin dhaqanka suuboone



Dharaar iima soo faalashee dheelmadkey garane�.



Sida uu abwaanka uga sheekeynayo xiisaha jacelka iyo waliba sida ay dadka isjacel iskugu dhibaan xisaha jacelka ayey sheekadii mar qura is badaslaysaa ka dib markii ay Gabadhii Mudac Dhareer daadiya saaxiibkeyd ku dharbaaxday.



Balse arinta la yaabka leh ee gabayga ku jirto ayaa ah in ninkii loo soo dheelmaday uu Uur qaaday.



 



�Anigana dharaaraha xigaan dhagarti eedaayee



Iga dhaaf allow ruux ma dhoho aan dhadhamin ceebe�



Balse markii ay gabayga dheelmato aqriyeen qaar kamid ah qorayaasha iyo waliba hal abuurada kale ee soomaaliyeed ayey ku tilmaameen inu yahay gabay mid miisaan culus leh.



Waxuuna ku tilmaamay Khaliif Ashkir oo ah qoraaga caanka in Gabaygaan uu yahay sidaan.



�Waa gabay mug murti iyo madadaalabo leh.
Waa maahir hadalkii.
Waa muhasho hal abuur aan dab yar shideyn ka soo maaxday.
Waa mira Bada loo quusay oo Maanyo hoosteeda laga soo guray� Ayuu yiri Khaliif Ashkir.



Sidoo kale Gabayada kale uu tiriyay abwaanka waxaa kamid ah Gabay ka hadlaayo
Shaaha oo asna la dhaho Shiqlo Daar.




Gabayga Shiqla-Daar.



Shiqla daar waa Gabay Shaah amaan ah oo uu Abwaanku ku tilmaamaayo sida ay Soomaalidu u jecel yihiin ama ay u cabaan Shaaha. Waxuuna kadanbeyay tirinta gabaygaan kadib markii abwaanka ay ku yiraahdeen dad yaqaano hadii ay gabayadaadu run yahiin bal shaaha gabay ka tiri. Waxuuna markaas tiriyay Gabayga Shiqla-daar oo ay ka mid tahay tuducdaan.



 



�Shactirada shuhuubaad koroo sheegin baa jira�e



Sheeka fudud shucuubta rabtiyo shey ka qososhiine



Shiqla daar shidada noolasha shaafi loo qiraye



Sha�nigiyo ujeedada ilaa taa ka sharax weyne



Gabayga Irdha-beer



Waxaa uu mu�alifkaan uu oga hadlay Gabaygaan Qabiilka iyo Qabyaalada, waxaana ka mid ah ereyadda gabaygan�
�Qabyaalada waa qabiilka oo si xun loo isticmaalo. Meeshey Qabyaalada Taalo Qabiilku waa Irdha beer ama sheey dadka kala irdha galiya.



Adeegsiga qabiilkoo asbaab ururin loo haysto



Oo shey abaabula midnimo umada moodeyso



Ayaa saa aduudaa irdhiyo kal tag aafeede�



Mar kale waxuu leeyahay asagoo kahadlaayo sida qabiilku yahay hadii loo adeegaso six un.



 



�Abaquba abquu leeye iyo odax kunaafeyne



Fikrada qabiil ku faanka ayuu ku muujiyay gabaygaan in ay tahay wax xun, asagona yiri



�Qof haduu qabiil dartii kugu jeclaado, qabiil dartii ayuu kugu nacaa.



Abqadii dhirtaan abaq ahayn, liid u aragtaabo



Abqa laan agteeda midduu abaq walaaleeyay



Iney kaba udgoontey in badan uur ku sidataaye



Albaab xira qabyaaladi ma jiro hoos u orodkeeda



Bah bah bay abaartaa Markey aabo waysaaye��



Ilwaliba anaa fiican bey ku anda cootaaye�



In kastoo aaynan macquul aheyn in qoraal kaliya lagu soo koobo Gabayada uu tirayay abwaan Cabdirashiid Cumar Al-khaalidi (ina cowsgurow), Oo hada soo saaray Haantiisii ugu horeysay oo ka kooban Toban gabay ayaa hadana waxaa kasoo qadaneyaa Gabaydiisa intaas ayadoo ay jiraan gabayo kale oo ka kala hadlaayo Arimaha Bulshada Sida Gabay ka hadlaayo Aids ka oo faro kulul ku hayo qaar kamid ah dadka ku nool wadankaan Kenya iyo qaar ka mid ah bulshada soomalida, iyadoo ay  weliba u muuqato in ay  aad u yartahay wacyigelinta ku saabsan cudurkan dilaaga ah ee Aidska  



Waxaa kale uu abwaanku u tirayay Gabayo Saar ah asagoona luuq ahaan aad u shabaho Abwaankii weyna ee Careeys Cise Kaarshe, waxaana kamid ah Saararka uu tiriyay abwaanku mid ka hadlaayo Qaraxii Hotelka Shamoow ka dhacay 03/Dec/2009.
Saarkaas oo uu u baxashay �Fatwo�,
Waxuu ka kooban yahay
Canaan soomaalida uu ku  canaanayo
Hanuunka Eebe oo uu abwaanku leeyahay waa waxaan lagu faani Karin
Takfiirka ama gaaleynta fariin dheeli tiran oo uu ka jeediyay iyo
Dulqaad dadka soomaaliyed meel kasto oo ay joogaan la faraayo.
Saararka kale uu abwaanku tirayay waxaa kamid ah Aids-ka mid ku saabsan iyo waliba mid kale oo ka hadlaayo Fayo-dhoowrka oo ku saabsan arimaha caafimaadka iyo sidii xaalada caafimaad logu noolaan lahaa.
Isku soo wada duuduuboo, Abdirashid Omar waa abwaan soomaaliyeed oo da�yar waxuuna hada ka mid yahay ardayda Saxaafada ka barato Moi University
Waxeyna oga duwan tahay Haantaan Cusub ee uu soo saaray Abwaankaan, in gabayada ku jiro Haantaan ay yihiin kuwo maqal iyo muuqaal ah hadana aad loo farsameyay.
Guud ahaana waxaa laga soo dhaweyay Haantaan wadanka Kenya oo uu hada joogo Abwaanka.
Ugu danbeyntii abwaan C/rashiid Cowsgurow, waxa uu sheegay inuu sameyn doono dadaal kasto oo lagu hor marinaayo Sugaanta Soomaaliyeed asagoona intaas ku daray in afka soomaaliga  yahay mid hodan ah marka loo fiiriyo afafka kale ee uu ku gabayo sida kan Ingiriiska iyo Sawaaxiliga.



Abdisalan Mohamed Ali (najah).



najax.usa@hotmail.com



najah.moha@gmail.com



najax@journalist.com



Nairobi-Kenya.


www.somalireal.com

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Maansa cusub oo Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi ka tiriyey qaadka
  Maahmaahyo Somali iyo ingiriis ah
  DHAQAN-GOOB: WAXA CURISEY CANAB GUULEED MAXAMAD
  Taariikhda Qoraalka Far Soomaaliga
  Gabay lagu difaacayo Nabiga, abawaan Abshir Bacadle