Mudane katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo eedaymo u jeediyay Madaxda dowladda.


Mudane katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu eedaymo u jeediyay Madaxda ugu saraysa dowladda KMG ee Soomaaliya.


Xildhibaan C/llaahi Cabdulle Magan oo ka mid ah xildhibaanada golaha baarlamaanka dowladda KMG Soomaaliya ayaa si kulul u dhaliilay wax qabadka Madaxda dowladda isagoo tilmaamay in ay wadaan qorsho qaran dumis ah kadib markii seminaar dalka dibaddiisa ah loo furay qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka dowladda KMG.


Waxa uu tibaaxay Xildhibaanku in lagu doonayo in meesha looga saaro la xisaabtanka xukuumadda, isagoo ku eedeeyay in ay mas'uul ka yihiin madaxda dowladda KMG.


Fadhi baarlamaanka dowladda KMG shalay oo Sabti aheyd ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga sheegay in 50-xildhibaan dibadda loo diri doono si ay u soo qaataan seminaar aqoon kororsi ah.


Ugu dambeyntii Xildhibaan Cabdulle Magan ayaa wuxuu sheegay in ay tahay ujeedada keliya ee laga leeyahay seminaarkaasi in lagu yareeyo kooramka baarlamaanka, wuxuuna ku eedeeyay madaxda dowladda KMG in ay wadaan qorshe qaran dumis ah.


Somalireal-Muqdisho

 


 


Somalireal@hotmail.com


 


 


 


 

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ciidamo badan tababar u soo dhameystirtay iyo afhayeenkooda oo la dardaarmay ciidanka.
  Magaalada Garoowe oo maanta lagu gubay lacago been abuur ah.
  Diyaargarowga Munaasabada Ciidul Fidriga oo laga dareemayo Suuqyada magaalada Muqdisho.
  Dowladda KMG ah iyo Shabaabul Mujaahidiin oo guulo ka sheegtay dagaal shalay galab ilaa xalay ka dhacay degmada Boondheere.
  Maamulada Shabaabul Mujaahidiin ee gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo dadka goboladaas amaro ku soo rogay