Ciidamadii Itoobiyaanka ee ku sugnaa Degmada Qurac joome ee gobolka Bakool oo isaga baxay halkaasi.



Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee dhawaanahan ku sugnaa Degmada Qurac joome ee gobolka Bakool ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga baxay halkaasi iyadoo dhinaca kalana ay arintaasi soo dhaweeyeen shacabka ku dhaqan degmadaasi.


Wararka naga soo gaaraya degmada Qurac joome oo ka tirsan gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo in muddo ku sugnaa deegaankaasi ay isaga huleeleen halkaasi iyagooa afka saaray dhanka deegaano ka tirsan gobolka Bakool, waxaana ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee deegaankaasi soo dhoweeyay shacabka ku dhaqan deegaankaasi oo sheegay in ay dhibaato ku qabeen joogitaanka ciidamadaasi.


Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa lagu soo warramayaa in intii ay ku sugnaayeen gudaha deegaanka Qurac joome ay gaysteen falal isugu jira dil, dhaawc, jirdil iyo kufsi, waxaana intii aysan ka bixin deegaankaasi ay horay u sii kaxaysteen qaar ka mid ah dadkii ku dhaqnaa deegaanka kuwaasi oo aan la ogayn halka ay u kaxaysteen iyo xaalada ay ku sugan yihiin.


Ciidamada Itoobiya ayaa mar walba markii ay meel ka guurayaan waxa ay dhibaato u sii gaystaan dadka ku dhaqan goobaha ay ka sii tagayaan.


Somalireal-Muqdisho

 


 


Somalireal@hotmail.com

 

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ciidamo badan tababar u soo dhameystirtay iyo afhayeenkooda oo la dardaarmay ciidanka.
  Magaalada Garoowe oo maanta lagu gubay lacago been abuur ah.
  Diyaargarowga Munaasabada Ciidul Fidriga oo laga dareemayo Suuqyada magaalada Muqdisho.
  Dowladda KMG ah iyo Shabaabul Mujaahidiin oo guulo ka sheegtay dagaal shalay galab ilaa xalay ka dhacay degmada Boondheere.
  Maamulada Shabaabul Mujaahidiin ee gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo dadka goboladaas amaro ku soo rogay