Dablay hubaysan islamarkaana aan haybtooda la garaneyn ayaa rasaas ku furay gaari kuwa raaxada ah oo ay la socdeen labo nin oo ganacsato ah xilli ay marayeen waqooyiga magaalada Gaalkacyo iyadoona halkaasi ay ka dhasheen qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Kooxaha hubaysan ayaa la sheegay in ugu horeyn ay joojiyeen gaariga markii uu istaagayna ay rasaas ooda uga qaadeen labada nin ee la socotay taasoo keentay dhimashada mid ka mid ah labadooda, waxaana markii ay falkaasi gaysteen kadib u suurto gashay in ay goobta ka baxsadaan iyadoo durba ay goobta soo gaareen ciidamo kale kuwaasi oo goobta ka qaaday maydka iyo dhaawaca.
Wararka saakay laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in ay soconayaan hawlgalo balaaran oo ay wadaan ciidamada amaanka oo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyay falka dilka ah, kuwaasi oo baaritaano ku samaynaya guryaha ku yaala nawaaxiga wadada lagu rasaaseeyay gaariga iyagoo su’aalo weydiinaya dadka, mararka qaarna baaraya guryaha.
Ugu dambeyntii Saraakiisha amaanka ee maamul goboleedka Puntland oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay ku raad joogaan kooxihii ka dambeeyay falka dilka ah ee loo gaystay ganacsatada waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxayna sheegeen in ay hayaan warbixino sheegaya in kooxaha ka dambeeyay falkaasi ay u baxsadeen dhinaca koonfurta Gaalkayo oo ay ka taliyaan maamulka
Somalireal-Muqdisho
Fikradaada ku darso.