Shabaabul Mujaahidiin oo guulo ka sheegtay dagaaladii galabta ka dhacay degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho



Afhayeenka ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheikh C/casiis Abuu Xamza ayaa sheegay in ciidamadooda ay galabta la wareegeen fariisimo muhiim ah oo ku yaala degmada Boondheere.


Afhayeenka oo caawa shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalkii galabta ka dhacay degmada Boondheere' aykula wareegeen goobo muhiim ah  oo ay hore ugu sugnaayeen ciidamada  dawlada KMG  ah.


Afhayeenka ayaa sheegay  in ciidamadooda ay u suuro galshay inay  lawareegeen  wasaaradii hore ee arimaha gudaha,safaaradii Talyaaniga, iyo xarunta degmada Boondheere oo dhamaantood kamid ahaa goobihii dawladu gacanta hore ugu haysay.


Dhinacakale dagaaladii galabta aya waxaa  barbar socday duqaymo xoogle oo loogaystay xaafado ka  durugsan goobihii lagu dagaalamayey waxaana duqaymahaaasi ay sababeen khasaare isugu jira dhamasho iyo dhawac soo gaaray dadka rayidka ah, iyadoo aan la garanayn sida ay wax u kala gaareen dhinacyadii  ay diriirtu ka dhexexaysay.


 Tani ayaa  macneheedu waxa uu yahay in Dawlada KMG  ah ay gacandeeda ka bexeen markale gooba  muhiim ah, halka dhinaca kale Xarakada Shabaabul Mujaahidiin. ay ku sii durgayso Xarunta madaxtooyada ee magalada Muqdisho, waxaana muuqanaysa in Dawlada KMG ah uu xaalku ku sii cuslaanayo marba marka kadanbaysa.


Xafiiska wararka Somalireal


somalireal@hotmail.com


 


 


 

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ciidamo badan tababar u soo dhameystirtay iyo afhayeenkooda oo la dardaarmay ciidanka.
  Magaalada Garoowe oo maanta lagu gubay lacago been abuur ah.
  Diyaargarowga Munaasabada Ciidul Fidriga oo laga dareemayo Suuqyada magaalada Muqdisho.
  Dowladda KMG ah iyo Shabaabul Mujaahidiin oo guulo ka sheegtay dagaal shalay galab ilaa xalay ka dhacay degmada Boondheere.
  Maamulada Shabaabul Mujaahidiin ee gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo dadka goboladaas amaro ku soo rogay