Dagaalo culus oo saakay mar kale dib uga qarxay Waqooyiga Muqdisho.



Dagaalo culus ayna barbarsocdeen Madaafiic dhowr ah ayaa Saakay mar kale dib ugu qarxay xaafado kamid ah degmooyinka Waqooyi ee magaalada Muqdisho.


Dagaaladan oo ahaa kuwa aad u cuslaa ayaa waaberigii hore ee Saakay waxa ay ka qarxeen degmooyinka Boondheere, Shibis iyo C/casiis oo dhamaantood ka tirsan degmooyinka dhaca dhinaca Waqooyi ee magaalada Muqdisho.


Inta la xaqiijiyay dagaaladii Saakay ayaa waxaa ku geeryooday ku dhawaad 10-ruux oo rayid ah halka ay dhaawacyo ka soo gaareen dad kor u dhaafaya 25-ruux kuwaasi oo ku sugnaa aqaladooda sida uu Saxaafada reer Muqdisho u sheegay Cali Muuse oo ah Madaxa gaadiidka Gurmadka deg deg ah.


Marka laga soo tago dagaalka foolka foolka ahaa ayaa waxaa jiray Madaafiic xoogan oo ay isweydaarsanayeen labada dhinac taasi oo ku dhacaysay xaafado ka baxsan halka lagu hardamayay.


Dagaaladan Saakay mar kale dib uga qarxay degmooyinka Waqooyi ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay daba socdaan dagaalo Shalay gelinkii dambe ilaa iyo xalay ka dhacayay degmooyinkaasi.


Somalireal-Muqdisho


somalireal@hotmail.com


 

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ciidamo badan tababar u soo dhameystirtay iyo afhayeenkooda oo la dardaarmay ciidanka.
  Magaalada Garoowe oo maanta lagu gubay lacago been abuur ah.
  Diyaargarowga Munaasabada Ciidul Fidriga oo laga dareemayo Suuqyada magaalada Muqdisho.
  Dowladda KMG ah iyo Shabaabul Mujaahidiin oo guulo ka sheegtay dagaal shalay galab ilaa xalay ka dhacay degmada Boondheere.
  Maamulada Shabaabul Mujaahidiin ee gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo dadka goboladaas amaro ku soo rogay