Gudoomiyaha Maxkamada racfanka ee gobolka sool saleebaan dheere ayaa xalay fiidkii lagu dilay xarunka gobolka sool ee laascanood.
Waxaa xalay fiidkii dil toogasho ah loogu gaysatay gurigiisa hortiisa xili uu ka soo baxay saalada maqrib kadib Gudoomiyhii maxkamada rafcaanka ee Gobolka sool saleebaan Xaaji ciise gadle (saleeban dheere)
Dilgaas ayaa waxaa uu u dhacay si gaadmo ah iyada oo aan haybtooda la garan dablada dilka gaysatay,Gudoomiyaha la dilay ayaa waxa uu ahaa nin si wayn looga yaqaan deegaan kaas isagoo mar gudoomiye ku xigeen ka noqday maxkamada sare ee Pluntlan.
Dilalka loo gaysanayo mas'uuliyiinta katirsan maamulka gobolka ee Somaliland ayaa ku soo noqnoqanayey Magalada laascaanood iyada oo inta badan aan raadkooda la helin cid gaysanaysay Dilaalkan isdaba jooga ah ee ka dhaca xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood.
Arintan ayaa waxay ku soo beegmaysaa xili ay deegaanka ku soo badanayaan dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ay wadaan dhinacyada iskaga soo horjeeda Gacanku haynta gobolka.
xafiiska wararka somalireal
Fikradaada ku darso.