Ciidanka amaanka Boosaaso oo maanta howlgal amaanka lagu sugayo ku qabqabtay dad aad u badan



Ciidamada amaanka ee Boosaaso ayaa saaka howlgal ay ka sameeyeen magaalada xeebta ku taala ee Boosaaso ku soo qabqabtay dad aad u farabadan oo dhalinyaro ah.


Dadka ay ciidanka howlgalkooda ku bartilmaameedsanayeen ayaa waxa ay u badnaayeen dhalinyaro, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolada kale ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale dadka la qaqabanayey ka mid 'ahaa dadka deegaanada Puntland.


Dadka la qaqabtay ayaa waxa ay kor u dhaafayaan 100 qof, waxaana jirta in dadka qaarkood la sii deynayo, hadii ciidanku aqoonsado in dadkaasi ayan ku howlaneyn fal dambiyeed, waxaana arintan walaac ka muujiyey dadka ka soo jeeda gobolada kale ee Soomaaliya.


Mas'uuliyiinta maamulka Puntland ayaa dhawaanahan ka shanqarinayey inay howlgalo balaaran oo amaanka wax looga qabanayo ka sameynayaan guud ahaan Puntland, gaar 'ahaan magaalada Boosaaso, xarunta gobolka Bari, waxayna Mas'uuliyiintu sheegeen in ayan cid gaar ah ula jeedin howlgalsdooda.


Arintan ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xili dhawaanahan ay soo badanayeen weerarada lala beegsanayo mas'uuliyiinta iyo ciidamada kala duwan ee Puntland, lamana sheegi karo waxa uu howlgalkan ku soo kordhin doono amaanka magaalada Boosaaso.


Somalireal-Boosaaso


somalireal@hotmail.com


 

Comments to date: 2. Page 1 of 1.

Abdullahi   Bosaso

4:23am on Tuesday, July 20th, 2010

Waxaan aad aad uga xumahay inay ku dhaqaaqaad fikirka habaraha wax magradaka ah ee dhaha waxaan naleynaaya waa dadka koonfurta islamarkaa wadakeena ayey ka saqeyanayaan "Alaw yaa gaari dabada ugu gura oo soo Gaalackyo ku soo daadiya" waa halheyska habraha wax magaradka ee Reer Puntland. Waxaase kadaray M. Puntland oo ficil ahaan u muujiyey.
Waan ka xumahay! arinkaan hadaan nahay wax garadka somaliyeed uu ka soo jeeda Degaanada Puntland.

maxamed   nairobi

1:53pm on Monday, July 19th, 2010

somaalireal waxaa haboon in ay xaqiiqda jirta dadka u soo gudbiyaan waayo website yada kale hal sheegayo mala,ha in dad reer puntland ah ay ku jiraan masaakiinta lagu xasuuqayo dhul itoobiyaanka walaal ka yahay kan soomaligana shisheeye ka yahay.
waxaan rajaynaya in cunsuriyadda lagula dhaqmayo garab raratada soomaaliyeed looga aargudo dad gaal jacaylka lagu ibtileeyay qadiiman wa xadiisan
nabaday.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ciidamo badan tababar u soo dhameystirtay iyo afhayeenkooda oo la dardaarmay ciidanka.
  Magaalada Garoowe oo maanta lagu gubay lacago been abuur ah.
  Diyaargarowga Munaasabada Ciidul Fidriga oo laga dareemayo Suuqyada magaalada Muqdisho.
  Dowladda KMG ah iyo Shabaabul Mujaahidiin oo guulo ka sheegtay dagaal shalay galab ilaa xalay ka dhacay degmada Boondheere.
  Maamulada Shabaabul Mujaahidiin ee gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo dadka goboladaas amaro ku soo rogay