Madaxweynaha dawladda federalka Soomaaliya oo xalay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar kulan kula yeeshay xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Muusa ayaa waxa uu ka dalbaday in dalalka ku bahoobay ururka Jaamacadda Carabta ay taageero dhaqaale siiyaan dawladda uu hoggaamiyo oo uu sheegay in ay ku soo wajahday marxalad aad u adag oo ay sabab u tahay dhaqaale la’aan.
Madaxweyne Shariif ayaa waxa uu hordhigay xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta dalab in bishiiba toban Milyan oo dollarka Maraykanka ah lagu taageero dawladdiisa si ay ugu guuleysato dadaalada ay ugu jirto nabad ku soo dabaalidda gayiga Soomaaliya iyo dagaalka ay kula jirto Islaamiyiinta ka soo horjeeda dawladda oo doonaya in ay si qasab ah kula wareegaan talada dalka.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegay in uu balan qaadayo in lacagahaasi aysan mari doonin waddadii ay horay u marsiiyeen dawladihii ka horeeyay, wuxuuna sheegay in dawladdiisu ay leedahay miisaaniyad jaan go’an ayna qarashaadkaasi ku bixineyso mushaaraadka ciidamada, hay’adaha dawladda, dhismaha ciidamada qalabka sida iyo hawlo kale oo daryeelka bulshada ah.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya wuxa uu tilmaamay in beesha caalamka dhaqaale ay ugu yabooheen dawladdiisa kulankii billowgii sanadkii 2009-kii ka dhacay magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka aanay waxba ka suurto gelin, ayna soo gaareen 1% (Boqolkiiba hal) dhaqaaliihii ay ku yabooheen dalalka deeqaha bixiya, wuxuuna intaasi ku daray in lacagtaasi aysan dabooli karin baahida hay’adaha kala duwan ee dawladdiisa.
Somalireal-Muqdisho
Fikradaada ku darso.