Kooxda la magac baxday Culumaaudiinka Ahlu sunna Waljameeca ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada AMISOM goordhow lagula xisaabtami doono duqeymaha ay ku xasuuqaan goobaha dadka rayidka ah
Sheekh C/laahi Sheekh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al Qaadi oo ah Madaxa Warfaafinta kooxda Ahlu sunna Waljameeca oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay inay aad uga xun yihiin duqeymaha iyo dagaallada ka soconaya magaalada Muqdisho, wuxuuna tacsi u diray dhammaan ehelladii ay dadkooda ku geeriyoodeen, wuxuuna Alle uga baryay in kuwa ku dhaawacmay uu bogsiiyo.
Abuu Qaadi ayaa tilmaamay in duqeymaha ay ciidamada AMISOM u geysanayaan goobaha dadka rayidka ah lagula xisaabtami doono oo aan marnaba loo dhaafi doonin, isagoo dhaliil u jeediyay madaxda dawladda federalka oo uu sheegay inay ku guul darreysteen inay shacabka ka dul qaadaan dagaallada oo ay xal u keenaan, waxaana uu dhinaca kale ku eedeeyay xoogagga Islaamiyiinta ee ku kacsan Siyaasada dowladda KMG iyo joogintaanka Ciidamada Shisheeye gudaha dalka inay qeyb laxaad leh ku leeyihiin masuuliyadda xasuuqaasi.
Ugu dambeyntii Madaxa Warfaafinta Kooxda isku magacowday culimaaudiinka Ahlu sunna Waljameeca wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay Alle u towbad keenaan, ducadana badiyaan, iskuna duubnaadaan si ay uga baxaan dagaallada, wuxuuna intaasi ku daray in haddii aan la helin shacab mideysan oo isku afkaar ah ay adag tahay in laga baxo masiibada ka jirta dalka Soomaaliya.
Somalireal-Muqdisho
Fikradaada ku darso.