Mudanayaal ka tirsana baarlamaanka Soomaliya oo ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka soconaya Muqdisho.



Qaar ka mid ah mudanayaash baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay ay sheegeen inay ka soo horjeedaan dagaalka iyo duqeymaha ka soconaya magaalada Muqdisho oo ay ku baabaayaan boqollaal dad ah oo aan waxba galabsan, waxayna ku baaqeen in iyadoo loo turayo dadkaasi lana eegayo maslaxaddooda la joojiyo dagaallada.


Xildhibaan Cabdi Axmed Xaaji Faarax oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay duqeymaha iyo dagaallada ka soconaya magaalada Muqdisho ee ay ku dhimanayaan kuna dhaawacmayaan shacabka maato aan waxba galabsan, wuxuuna ku baaqay in aan wax natiijo ah laga gaaraynin dagaal oo ay habboon tahay in nabadda la qaato.


Xildhibaanka wuxuu sheegay in dagaallada iyo duqeymaha ka dhacaya magaalada Muqdisho ka sokow dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay ay sababeen barakac baahsan oo la soo gudboonaaday qoysas dan yar ahaa oo ay noloshooda ku tiiraneyd xooggooda, wuxuuna intaasi ku daray in dadkaasi markii ay u barakaceen duleedyada Muqdisho ay noloshu aad ugu adkaatay ayna haystaan xaalado bini’aadanimo.


Wuxuu sheegay Xildhibaan Cabdi Axmed Xaaji Faarax inuu ka dalbanayo madaxda dawladda federalka inay ka dhaadhiciyaan ciidamada AMISOM inay joojiyaan duqeymaha ay u geysanayaan goobaha dadka rayidka ah, wuxuuna dhinaca kale ugu baaqay xoogagga ka soo horjeeda inay u turaan shacabka oo ay joojiyaan madaafiicda iyo weerarka ka dhanka ah ciidamada dawladda iyo kuwa Midowga Afrika.


Somalireal-Muqdisho

 


 


Somalireal@hotmail.com

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ciidamo badan tababar u soo dhameystirtay iyo afhayeenkooda oo la dardaarmay ciidanka.
  Magaalada Garoowe oo maanta lagu gubay lacago been abuur ah.
  Diyaargarowga Munaasabada Ciidul Fidriga oo laga dareemayo Suuqyada magaalada Muqdisho.
  Dowladda KMG ah iyo Shabaabul Mujaahidiin oo guulo ka sheegtay dagaal shalay galab ilaa xalay ka dhacay degmada Boondheere.
  Maamulada Shabaabul Mujaahidiin ee gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo dadka goboladaas amaro ku soo rogay