Golaha dhaqanka iyo Midnimada beelaha Hawiya garabka uu hogaamiyo Suldaan Axmed Dhoore ayaa waxa ay cambaarayn kulul dusha uga tuureen ciidamada AMISOM iyo dawladda federalka Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen inay masuul ka yihiin madaafiicda lala dhacayo goobaha dadka rayidka iyo suuqyada oo lagu xasuuqayo shacab masaakiinta ah oo aan waxba galabsan.
Afhayeenka Golaha dhaqanka iyo Midnimada beelaha Hawiye garabka Suldaan Axmed Dhoore Maxamed Maxamud Guuleed Fartaag oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay in duqeymaha loo geysanayo goobaha dadka rayidka iyo suuqyada ay marqaati ma doonto u tahay in ciidamada AMISOM dalka loo keenay inay xasuuqaan shacabka Muslimiinta ah si ay ugala dagaalamaan inay isku xukumaan shareecada Islaamka.
Ugu dambeyntii Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada beelaha Hawiye garabka uu hogaamiyo Suldaan Axmed Dhoore Maxamed Maxamud Guuleed wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan jihaadka lagula jiro waxa uu ku sheegay gaalada saliibiyiinta ee dalka ku soo duushay iyo kuwa damiir laawayaasha ah oo u fasaxay in shacabkooda la xasuuqo, wuxuuna ku tilmaamay in sida kaliya oo looga guuleysan karo ay tahay in ay shacabka Soomaaliyeed is garab taagaan walaalahooda Mujaahidiinta.
Somalireal-Muqdisho
Fikradaada ku darso.