Madaxweynaha dawlada KMG ah ee Somaliya oo gaaray wadanka Talyaaniga kulamana la leh Madaxda wadankaas.



Madaxwaynaha dawlada KMG ee Somalia ayaa  booqasho sadex casho ah ku jooga Roma ee Caasimada Dalkaasi talyaaniga.


Madaxwaynaha dawlada KMG ah ee somalia sh.shariif sh.axmed  iyo wafdi balaaran oo uu Hogaaminayo oo ay ka mid yihiin  wasiiro iyo xildhibaano ka  tirsan dawlada KMG ah  ayaa gaaray wadankaasi talyaaniga xaruntiisa Roma.


Madaxwaynaha iyo wafdigiisa  ayaa  garoonkii uu ka soo dagayey  waxaa ku soo dhaweeyey Safiirka u fadhiya somalia talkaasi talyaaniga ahna u qaabilsanaha midawga yurub ee dawlada KMG ah   Ee somalia Nuur xasan xuseen (nuurcadde).


Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wasiirka arimaha dibada Talyaaniga Faranko Farantiini ayaa kulan yeeshay habeenimadii xalay ahayd, kulankan oo loogaga Wada hadlay xaalada wadanka somalia iyo meelsha ay waxmaryaan. waxaana halkaasi dowladda Talyaanigu ay ku balan qaaday balanqaadyo ay u sameyneyso dowladda Madaxwyne Sheekh Shariif.


Waa markii ugu horeeeyey mudo labaatansano ah uu Madaxwanye ka socda wadanka somaliya uu Booqashu  sidan oo kale ah uu ku tago talyaaniga.


Safarkan Madaxweynaha,  ayaa waxa uu ku soo beegmaya xili ay dagaalo xoogani ka socdaan magalada Muqdisho kuwaas oo marba marka ka danbaysa ay kooxaha ka soo horjeeda dawlada KMG ah ee  somalia ay ku sii durkayaan madaxtooyada Villa Somalia.


Xafiiska wararka Somalireal


somalireal@hotmail.com

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ciidamo badan tababar u soo dhameystirtay iyo afhayeenkooda oo la dardaarmay ciidanka.
  Magaalada Garoowe oo maanta lagu gubay lacago been abuur ah.
  Diyaargarowga Munaasabada Ciidul Fidriga oo laga dareemayo Suuqyada magaalada Muqdisho.
  Dowladda KMG ah iyo Shabaabul Mujaahidiin oo guulo ka sheegtay dagaal shalay galab ilaa xalay ka dhacay degmada Boondheere.
  Maamulada Shabaabul Mujaahidiin ee gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo dadka goboladaas amaro ku soo rogay