Qarax xalay ka dhacay degmada Waaberi iyo Ciidamada dowladda oo Saakay halkaasi baaritaano ka wada.



Qarax aan la ogeyn qasaaraha uu gaystay ayaa xalay fiidkii Ciidamo katirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya waxaa lagula beegsaday agagaaraha dugsiga 21-ka Octobar ee degmada Waaberi.


Dad goob joogayaal ah ayaa Somalireal u xaqiijiyay in xalay fiidkii xaafada 21-ka Octobar qarax lagula eegtay Askar katirsan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya  inkastoo aan la ogeyn qasaaraha qaraxaasi uu u gaystay Ciidamadii lala eegtay maadama xilligu uu ahaa xilli habeen ah.


Goob joogayaasha ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in durba markii qaraxa xalay lala eegtay Ciidamada dowladda ay bilaabeen baaritaano aad u xoogan kuwaasi oo ay ku raadinayaan cidii ka dambaysay qaraxa, waxaana la sheegaya in Ciidamadu ay gacanta ku dhigeen dad kor u dhaafaya 20-qof kuwaasi oo lagu tuhunsanyahay in qaraxa ay ka dambeeyeen.


Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa sidoo kale baaritaanadii ay xalay ka bilaabeen degmadaasi waxa ay ilaa iyo Saakay ka wadaan inta u dhaxaysa dugsiga 21-ka Octobar iyo Isgoyska KM-4 iyadoona ay Ciidamadu xireen dhamaan isku socodkii dadka iyo gaadiidka ee ka jiray halkaasi.


Howlgaladan ay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya xalay ilaa iyo Saakay ka wadaan qeybo kamid ah degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii aynu soo macsalamaynay ay degmadaasi joogto ka noqdeen qaraxyada lala eeganayo Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.


Somalireal-Muqdisho

 


 


Somalireal@hotmail.com

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ciidamo badan tababar u soo dhameystirtay iyo afhayeenkooda oo la dardaarmay ciidanka.
  Magaalada Garoowe oo maanta lagu gubay lacago been abuur ah.
  Diyaargarowga Munaasabada Ciidul Fidriga oo laga dareemayo Suuqyada magaalada Muqdisho.
  Dowladda KMG ah iyo Shabaabul Mujaahidiin oo guulo ka sheegtay dagaal shalay galab ilaa xalay ka dhacay degmada Boondheere.
  Maamulada Shabaabul Mujaahidiin ee gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo dadka goboladaas amaro ku soo rogay