Madaafiic aad u xoogan ayaa xalay saqdii dhexe iyo Saakay Waaberigii waxaa lala dhacay qeybo badan oo kamid ah magaalada Caasimada ah ee Muqdisho iyadoona Madaafiicdaasi ay qasaaro u gaysteen dadka shacabka ah.
Madaafiicdan ayaa waxa ay ahaayeen kuwo sidii roobka oo kale ugu dul daadanaysay xaafado kamid ah degmooyinka Waqooyi ee magaalada Muqdisho, waxaana goobaha ugu badan ee ay Madaafiicdu ku dhacayeen kamid ah degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan iyo C/Casiis oo dhamaantood kamid ah degmooyinka dhaca dhinaca Waqooyi ee magaalada Muqdisho.
Inta la ogyahay 3-ruux ayaa dhaawacantay kadib markii Madaafiic habow ah ay kula dul habsadeen aqaladooda oo ku yiilay xaafada Suuq bacaad ee degmada Yaaqshiid, hase ahaatee Madaafiic kale oo faro badan ayaa waxa ay ku dhaceen degmooyinka Kaaraan iyo Boondheere inkastoo aan la ogeyn qasaaraha ay gaysteen.
Si kastaba ha ahaatee ma ahan wax ku cusub dhagaha dadka reer Muqdisho in ay maqlaan Madaafiic habow ah ayaa dad ku dishay degmo hebal ama dadka ku dhaawacday xaafad heblaayo.
Somalireal-Muqdisho
Fikradaada ku darso.