Shabaabul Mujaahidiin oo shaaca ka qaaday in koldhow ay soo gabagabeenayaan dagaalada ka soconaya Muqdisho.



Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in goordhow ay soo afjari doonaan dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho ee u dhaxeeya iyaga iyo dowladda KMG Soomaaliya.


Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo ah Gudoomiyaha gobolka Banaadir ee Xarakada Al Shabaab oo la hadlay Bahda Warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in maalmaha ina soo aadan ay soo gabagabeyn doonaan  dagaalada Jihaadka ah ee ka soconaya magaalada Caasimada ah ee Muqdisho islamarkaana u dhaxeeya Ciidamada Xarakada Mujaahidinta Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.


Waxa uu sheegay Sheekh Cali in dhaawan Shacabka Soomaaliyeed ee iminka Madaafiicda lala dhacayo ay nabadgalyo ku noolaan doonaan isagoo dhinaca kale tilmaamay in Mujaahidiintu ay guulo la taaban karo ka gaareen dagaalada maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay qeybo kamid ah degmooyinka Waqooyi ee magaalada Muqdisho.


Warkan hajabaada u muuqda ee ka soo yeeray Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ku soo aadaya xilli wali magaalada Muqdisho ay ka sii holcayaan dagaalo u dhaxeeya Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo Ciidamada Al Shabaab.


Somalireal-Muqdisho

 


 


somalireal@hotmail.com


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Qoraal faahfaahsan oo ku saabsan Zakaatul Fidriga
  Hay'adda UNHCR oo sheegtay dad laba boqol kor u dhaafaya inay ku dhinteen dagaalada Muqdisho ka soconayey labada todobaad
  Xaalada Muqdisho oo maanta yara degen iyo dhinacyada iska soo horjeeda oo isku qalab uruursanaya
  Diyaargarowga Munaasabada ciidul fidriga oo laga dareemayo suuqyada Magalaadda Cape-Town ee wadanka koonfur Africa
  Sheeko Gaaban: Macalimiinta Iskuulka Qoyane waa laga gardaran yahay.