Madfac dad isku qoys ahaa xalay ku laayay xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.



Madfac aan la ogeyn halka iyo jihada uu ka yimid ayaa xalay fiidkii dad isku qos ahaa waxa uu ku laayay xaafada Towfiiq degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.


Sida ay Somalireal u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah Madafacaasi ayaa waxa uu sababay geerida Ilaa afar qof oo isku qoys ahaa kuwaasi oo ku sugnaa gurigooda oo ku yiilay xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.


Musiibadan ayaa waxaa ay dhacday xalay fiidkii, waxaana ku geeriyooday hooyada qoyska, labo canug oo ay dhashay iyo hooyada dhashay aabaha qoyska.


Dadka ku geeriyooday madfacan ayaa jirkooda waxaa uu noqday mid go'go'ay, waxaana saaka lagu wareersanyahay qaabka loo aasi karo, iyadoo dadku aad uga naxsan yihiin sida ay wax u dhaceen.


Musiibadan ayaa waxaa ay argagax ku abuurtay dadka ku dhaqan xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.


Somalireal-Muqdish


somalireal@hotmail.com

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ciidamo badan tababar u soo dhameystirtay iyo afhayeenkooda oo la dardaarmay ciidanka.
  Magaalada Garoowe oo maanta lagu gubay lacago been abuur ah.
  Diyaargarowga Munaasabada Ciidul Fidriga oo laga dareemayo Suuqyada magaalada Muqdisho.
  Dowladda KMG ah iyo Shabaabul Mujaahidiin oo guulo ka sheegtay dagaal shalay galab ilaa xalay ka dhacay degmada Boondheere.
  Maamulada Shabaabul Mujaahidiin ee gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo dadka goboladaas amaro ku soo rogay