Kooxda isku magacowday Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa shaaca ka qaaday in ay burburay Wilaayadii Islaamiga aheyd ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab islamarkaana ka dhisnyed gobolka Galgaduud kadib dagaalo kol hore halkaasi ku dhaxmaray Ciidamada Al Shabaab iyo kuwa kooxda Ahlu Sunna.
Sheekh C/laahi Sheekh C/raxmaan Abu Yuusuf Al-qaadi oo ah Madaxa warfaafinta kooxda isku magacowday culumaaudiinka Ahlu sunna Waljamaaca oo saxaafadda Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in dagaalo xilli hore ka dhacay deegaano ay ka mid yihiin Bulacle iyo kuwo kale oo ku yaala gobolka Galgaduud ay qasaare xoogan ku gaarsiiyeen ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, ayna ku wiiqeen awooddii ay ku lahaayeen gobolkaasi sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyntii Abuu Qaadi ayaa sheegay in ay wadaan qorshayaal ay kula wareegayaan degmooyinka Galcad, Mesegowaay iyo Galhareeri oo ay haatan ku sugan yihiin Xarakada Shabaab isagoo intaasi ku daray in qorshahaasi uu gabagabo ku dhowyahay ayna dhowaan xaqiijin doonaan gacan ku haynta dhamaan degmooyinka gobolka Galgaduud.
Somalireal-Muqdisho
Fikradaada ku darso.