Israsaaseyn uu ku geeryooday 1-ruux islamarkaana uu ku dhaawacmay mid kale ayaa maanta Duhurkii ka dhacday deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
Inta la ogyahay 1-ruux ayaa geeryooday mid kalana dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii duhurnimadii maanta israsaasayn u dhaxaysay Ciidamada Xisbul Islaam iyo Ciidamo kale ay ka dhacday xaafada Calamada ee deegaanka Ceelasha biyaha.
Israsaaseynta ayaa timid kadib markii Ciidamada Ururka Xisbul Islaam ay lacago canshuuraad ah waydiiyeen nin Dhul ka iibsaday nin kale sida ay Somalireal u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah oo ku sugnaa goobta ay israsaaseytu ka dhacday, waxaana goob joogayaashu ay sheegayaan in ninka Dhulka iminka iibsaday markii ay Ciidamada Xisbul Islaam lacagaha waydiiyeen uu ka biyo diiday in uu bixiyo wax qarash ah islamarkaana uu soo watay dhowr askari deetana ay israsaaseyntu sidaasi ku bilaabatay.
Ruux geeryooday ayaa la sheegay in uu kamid ahaa Ciidamadii la dagaalamay Xisbul Islaam ee uu soo watay ninka dhulka iibsaday halka midka dhaawacmayna uu ahaa ruux ganacsade ahaa oo goob ganacsi ku lahaa halka ay israsaaseyntu ka dhacday waxaana ruuxaasi dhaawacmay magaciisa lagu soo gaabiyay Dhagool.
Xaalada goobta uu falku ka dhacay ayaa hada ah mida yara xasiloon inkastoo aan la ogeyn sida uu xaalku ku dambeyn doono.
Somalireal-Muqdisho
Fikradaada ku darso.