Madaafiic xoogan islamarkaana ay dadi ku dhinteen qaar kalana ay ku dhaawacmeen ayaa maanta lala dhacay degmooyinka X/weyne iyo H/wadaag ee magaalada Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay 4-ruux oo rayid ah ayaa geeryootay ku dhawaad 10-kalana way dhaawacmeen kadib markii maanta Duhurkii Madaafiic habow ah ay ku dhaceen Suuqa Qudaarta lagu iibiyo ee degmada X/weyne.
Dadkii ku dhaawacmay Madaafiicdaasi ayaa durbadiiba waxaa loola cararay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho halkaasi oo iminka lagu dabiibayo xaaladooda Caafimaad.
Dhinaca kele Madaafiic aan la ogeyn waxyeelada ay gaysteen ayaa maanta Duhurkii lagu garaacay meelo badan oo kamid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Lama oga ilaa iyo iminka waxyaabaha sababay Madaafiicdan maanta lagu garaacay degmooyinka X/weyne iyo H/wadaag islamarkaana ay waxyeeladu ka soo gaartay dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan, hase ahaatee waxa ay ku soo beegmayaan xilli maanta magaalada Muqdisho ay ka yara daganeyd sidii ay aheyd maalmihii ugu dambeeyay.
Somalireal-Muqdisho
Fikradaada ku darso.