Ciidamo ka tirsan dowladda KMG oo xalay qaraxyo lagula eegtay magaalada Muqdisho.



Ciidamo katirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa siyaabo kala gadisan waxaa xalay  loogu qarxiyay degmooyinka Xamar Jajab iyo Wadajir ee magaalada Muqdisho.


Sida ay Somalireal u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah qaraxa hore ayaa ka dhacay xaafada Ceel Qalow ee degmada Wadajir iyadoona lala eegtay Ciidamo katirsan dowladda KMG Soomaaliya oo halkaasi fariisin ku lahaa, waxaana ay goob joogayaashu sheegayaan in halkaasi ay ku quurbaxeen 2-Askari oo katirsan Ciidamadii qaraxa lala eegtay halka ay dhaawacyo soo gaareen ku dhawaad 5-kal oo isla Ciidamada katirsanaa.


Dhinaca kale qarax mid kaa lamid ah ayaa isla xalay fiidkii ka dhacay qeybo kamid ah degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho halkaasi  oo ay fariisin ku lahaayeen Askar katirsan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, waxaana lagu waramayaa in halkaasi ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 3 qof oo labo kamid ah ay ahaayeen Ciidamadii la qarxiyay.


Degmooyinka Wadajir iyo X/jajab ee magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay hoy iyo marti u noqdeen qaraxyo xoogan oo lala eeganayay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyadoo xalay oo ugu dambaysayna ay degmooyinkaasi ka dhaceen qaraxyo geystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.


Somalireal-Muqdisho


Somalireal@hotmail.com

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ciidamo badan tababar u soo dhameystirtay iyo afhayeenkooda oo la dardaarmay ciidanka.
  Magaalada Garoowe oo maanta lagu gubay lacago been abuur ah.
  Diyaargarowga Munaasabada Ciidul Fidriga oo laga dareemayo Suuqyada magaalada Muqdisho.
  Dowladda KMG ah iyo Shabaabul Mujaahidiin oo guulo ka sheegtay dagaal shalay galab ilaa xalay ka dhacay degmada Boondheere.
  Maamulada Shabaabul Mujaahidiin ee gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo dadka goboladaas amaro ku soo rogay