Xildhibaan Salaad Cali Jeele "Dalka ma dhismi karo ilaa la keeno Ciidamo shisheeye oo nabada soo celiya".



Isagoo la hadlayay Xildhibaan Salaad Cali Jeele qaar kamid ah Warbaahinta magaalada Muqdisho ayuu shaaca ka qaaday in xiligan hadii aysan dalka soo galin Ciidamo shisheeye oo soo celiya xasiloonidii iyo kala dambeyntii dalka aysan dhismi Karin Ciidamo qaran oo uu yeesho dalka Soomaaliya isagoo sheegay in dadka ka soo horjeeda in Ciidamo shisheeye la keeno dalka Soomaaliya ay xiriir la leeyihiin Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo waxa uu ugu yeeray Argagaxisada Caalamka.


Dhinaca Xildhibaan Salaad Cali Jeele waxa uu amaan u soo jeediyay Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM islamarkaana haatan ku sugan dalka Soomaaliya kuwaasi oo uu sheegay hadii aysan iminka dalka joogi laheyn aysanba jiri laheyn dowladda KMG Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.


Warkan ka soo baxay Xildhibaan Salaad Cali Jeele eek u aadan in dalka la keeno Ciidamo shisheeye ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan la isku raacay in dalka Soomaaliya loo soo diro ilaa iyo 2-kun oo Askari oo hor leh.


Somalireal-Muqdisho


Somalireal@hotmail.com

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ciidamo badan tababar u soo dhameystirtay iyo afhayeenkooda oo la dardaarmay ciidanka.
  Magaalada Garoowe oo maanta lagu gubay lacago been abuur ah.
  Diyaargarowga Munaasabada Ciidul Fidriga oo laga dareemayo Suuqyada magaalada Muqdisho.
  Dowladda KMG ah iyo Shabaabul Mujaahidiin oo guulo ka sheegtay dagaal shalay galab ilaa xalay ka dhacay degmada Boondheere.
  Maamulada Shabaabul Mujaahidiin ee gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo dadka goboladaas amaro ku soo rogay