Dagaalo xoogan islamarkaana ay wehlinayeen tiro Madaafiic ah ayaa barqanimadii maanta ka qarxay xaafado kamid ah degmooyinka Waqooyi ee magaalada Muqdisho.
Dagaaladan oo ahaa kuwo aad u xooganaa islamarkaana la isku adeegsanayay hubka noocyadiisa kala gadisan ayaa barqanimadii maanta waxa ay mar qura ka qarxeen qeybo kamid ah degmooyinka Waqooyi ee magaalada Muqdisho.
Dagaalada ayaa meelaha ugu daran ee ay ka dhaceen waxaa kamid ah degmada Boondheere oo maalmihii la soo dhaafay ay dagaalada joogto ka noqdeen iyadoona dhawaqa rasaasta ay isku ridayaan labada dhinac laga maqlayo guud ahaan xaafadaha kala gadisan ee magaalada Muqdisho.
Marka laga soo tago dagaalka foolka ka foolka ah ayaa waxaa jiro Madaafiic xoogan oo ku dhacaysa xaafado ka fog fog halka ay dirirtu ka socoto, waxaana lagu waramayaa in dagaalka uu bilowday kadib markii Ciidamada Al Shabaab ay weeraro ku ekeeyeen fariisimo ay Ciidamada dowladda KMG ku lahaayeen degmada Boondheere ee Waqooyiga magaalada Muqdisho.
Macada ilaa iyo iminka qasaaraha soo gaaray dhinacyada dagaalamay iyo waliba dadka rayikda ah, inkastoo dadkii ku noolaa xaafadahaasi ay isaga barakaceen xilli hore halka kuwii faro ku tiriska ahaana ay maalmo ka hor isaga barakaceen xaafadahooda kadib markii ay halkaasi joogtada ka noqdeen dagaalada aan dhamaadka laheyn ee ka sii holcaya magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Somalireal-Muqdisho
Fikradaada ku darso.