Puntland oo sheegtay in maxaabiis badan ay ka qabatay maleeshiyaad ay saaka kula dagaalantay buuraleyda galbeedka Boosaaso



Madaxweynaha dowlada Puntland DR. C/raxmaan Sheikh Maxamed Faroole ayaa sheegay inay guulo ka gaareen dagaal saaka ka dhacay deegaanka Karin, kuna qabteen Maxaabiis ay saraakiil ku jirto.


Madaxeyne Faroole oo maanta shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay jabiyeen duulaan ay ku soo qaadeen maleeshiyaad uu ku tilmaamay inay argagixiso yihiin, wuxuuna carrabka ku adkeeyey inay ka guuleysan doonaan, sida uu hadalka u dhigay.


"Waxaa xalay ka dhacay magaalada Boosaaso meel u dhaw dagaal aad u xoogan, waa la caabiyey dhimasho badan ayaana soo gaartey, waana laga sifeeyey meelihii ay soo weerareen" ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Puntland.


Madaxweynaha ayaa sheegay in 13 ay ka dileen maleeshiyaadkii ay la dagaalameen, wuxuuna xusay in maxaabiis badan ay gacanta ku dhigeen, wuxuuna magac dhabay Jaamac Ismaaciil Ducaale oo uu ku sheegay sarkaal.


Madaxweynaha ayaa baaq u direy dhamaan shacabka Puntland, waxaana uu ka codsadey in ay ciidanka Puntland garab istaagaan,wuxuuna sidoo kale dowlaha caalamka iyo kuwa dariska ka codsaday inay ka caawiyaan dagaalka Puntland kula jirto waxa uu ugu yeeray argagixisada caalamiga ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.


Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya xili saaka uu deegaanka Karin dagaal kharaar ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo maleeshiyaad xiriir la leh kooxda Al- Shabaab, waxaana dagaalkaas ku dhintay 5 askari oo ciidanka Puntland ah iyo 9 ka mid ahaa maleeshiyaadka kale ee la dagaalamay.


Somalireal_Boosaaso


somalireal@hotmail.com


 

Comments to date: 2. Page 1 of 1.

abdulkhader said jaama   boston ma u.s.a.

2:25pm on Monday, July 26th, 2010

waxaan ka xumahay dagaalka halkaa ka dhacay waxaanse la jiraa reer puntland oo ku guulaystay dagaalkii dhacay dadkan qaldan ee dagaalka soo qaaday ee raadinayey qalalaase ay ku ridaan umma suurta gelin taasi waxaan ugu mahad celinaya ciidankii ka guuleystay waxaanse ogahay in madaxweynaha puntland faroole uusan beenta sheegin anigana waxaan rumaysnahay hadalka afkiisa ka soo baxa waxaana igu raacsan dadweynihii doorta sidaa iyo nabad gelyo.

xuseen   norway

1:45pm on Monday, July 26th, 2010

faqiih tolkii kama jano tago horaybaa loo yiri.
faroole inuu itoobiya u yeertay ninka puntland ku sugan wuu kawarhayaa dagaalkana looga xoog roonaaday.
ee beenta aad shacabka u soo gudbinaysaan inaad ka fiirsantaan ayaa ila quman.
nabaday.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ciidamo badan tababar u soo dhameystirtay iyo afhayeenkooda oo la dardaarmay ciidanka.
  Magaalada Garoowe oo maanta lagu gubay lacago been abuur ah.
  Diyaargarowga Munaasabada Ciidul Fidriga oo laga dareemayo Suuqyada magaalada Muqdisho.
  Dowladda KMG ah iyo Shabaabul Mujaahidiin oo guulo ka sheegtay dagaal shalay galab ilaa xalay ka dhacay degmada Boondheere.
  Maamulada Shabaabul Mujaahidiin ee gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo dadka goboladaas amaro ku soo rogay