Qasaaraha ka dhashay dagaalo iyo duqeymo maanta mar kale ka dhacay Muqdisho oo sii kordhay.



Waxaa maanta mar kale ay dagaallo culus ka dhaceen qeybo ka mid ah degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo u dhexeeyay ciidamada dawladda federalka oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika iyo xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo labadii toddobaad ee ugu dambeysay ku dagaalamayay degmadaasi.


Dagaallada maanta dib uga qarxay degmada Boondheere ayaa waxa ay xooggooda ka dhaceen nawaaxiga degmada Boondheere iyo dhismihii hore ee wasaaradda arrimaha Gudaha, waxaana dhinacyada halkaasi ku dagaalamay ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kale, waxaana jiro qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidamada dagaalada ku lugta leh iyo dad rayid ah intaba.


Dhinaca kale intii ay dagaalladaasi socdeen ayaa waxaa madaafiic badani ay ku hoobanayeen qeybo ka mid ah xaafadaha degmooyinka Boondheere, Shibis, Yaaqshiid, Kaaraan, kuwaasi oo la soo sheegay inay geysteen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad rayid ah, sida ay sheegeen saraakiisha gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee ambalaaska Life Line Afrika.


Madfac ku dhacay Suuq Bacaad ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ku geeriyoodeen afar qofood oo saddex ka mid ah ay haweeney ahaayeen, ayna ku dhaawacmeen labo kale, sidoo kale madaafiic ku dhacday xaafado ka tirsan degmada Kaaran ayaa waxa ay sababeen dhimashada labo ruux iyo dhaawaca 5 kale, waxaana suurto gal ah inay sii kordhaan qasaaraha maadaama ay weli soconayaan madaafiicda.


Somalireal-Muqdisho

 


 


Somalireal@hotmail.com

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ciidamo badan tababar u soo dhameystirtay iyo afhayeenkooda oo la dardaarmay ciidanka.
  Magaalada Garoowe oo maanta lagu gubay lacago been abuur ah.
  Diyaargarowga Munaasabada Ciidul Fidriga oo laga dareemayo Suuqyada magaalada Muqdisho.
  Dowladda KMG ah iyo Shabaabul Mujaahidiin oo guulo ka sheegtay dagaal shalay galab ilaa xalay ka dhacay degmada Boondheere.
  Maamulada Shabaabul Mujaahidiin ee gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo dadka goboladaas amaro ku soo rogay