Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee deegaanka Tooratoorow ee gobolka Sh/hoose ayaa shalay gelinkii dambe Xukun Rajmin ah ku fuliyay nin lagu eedeeyay inuu kufsaday gabar 12-sano jir ah.
Goobta lagu falinyey xukunkaasi ayaa waxaa ku sugnaa masuuliyiin ka tirsan Maamulka Xisbul Islaam ee gobolka Sh/hoose, waxaana goobta uu ka dhacayey fulinta xukunkaasi goob joog ahaa oo daawanayay dadweynaha ku nool deegaanka Tooratoorow.
Ninka lagu eedeeyay kufsiga ayaa lagu dilay dhagxaan farabadan kuwaasi oo ay ku tuurayeen ciidamada Xisbul Islaam iyo qaar ka mid ah dadkii u soo daawasho tagay qaabka uu xukunku u dhacayay.
Somalireal-Muqdisho
Fikradaada ku darso.