Xaadala Muqdisho oo Saakay degan kadib dagaalo lagu hoobtay oo shalay ka dhacay.



Waxaa Saakay xaalad deganaansho aan cago badan ku taagneyn laga dareemayaa degmooyinka dhaca dhinaca Waqooyi ee magaalada Muqdisho halkaasi oo shalay ay isku faro saareen Ciidamada Dowladda KMG oo garab ka helayay kuwa AMISOM iyo Ciidamada Al Shabaab


Kadib dagaalo qaraar oo shalay ka dhacacay degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan, Boondheere iyo C/casiis oo dhamaantood kawada tirsan degmooyinka Waqooyi ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sababeen qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo waliba dadka rayidka ah inkastoo qasaaraha ugu badan uu soo gaaray dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.


Meelaha ugu daran ee ay shalay dagaaladu ka dhaceen ayaa waxaa kamid ah agaagaraha Saldhiga degmada Yaaqshiid halkaasi oo la sheegay in dagaalka uu ka bilowday markii Ciidamada Shabaab ay weeraro ku qaadeen fariisimo ay Ciidamada dowladda KMG ku lahaayeen nawaaxiga Saldhiga degmada Boondheere.


Saakay ayaa Xaalad deganaansho ah waxaa laga dareemayaa dhamaan degmooyinka ay ku hardameen Ciidamada dowladda KMG oo gacan  ka helayay kuwa AMISOM iyo Ciidamada Xarakada Al Shabaab inkastoo mar walba la filan karo in halkaasi ay dagaalo ka qarxeen maadama ay wali is hor fadhiyaan Ciidamadii diriray.


Somalireal-Muqdisho

 


 


Somalireal@hotmail.com

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ciidamo badan tababar u soo dhameystirtay iyo afhayeenkooda oo la dardaarmay ciidanka.
  Magaalada Garoowe oo maanta lagu gubay lacago been abuur ah.
  Diyaargarowga Munaasabada Ciidul Fidriga oo laga dareemayo Suuqyada magaalada Muqdisho.
  Dowladda KMG ah iyo Shabaabul Mujaahidiin oo guulo ka sheegtay dagaal shalay galab ilaa xalay ka dhacay degmada Boondheere.
  Maamulada Shabaabul Mujaahidiin ee gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo dadka goboladaas amaro ku soo rogay