Sheekh Xasan Daahir Aweys "Kol dhow way midoobayaan Ururada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam".


Hoggaamiyaha ururka Xisbul Islaamo Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa shaaciyay in dhawaan ay midoobi doonaan Ururka Xisbul Islaam iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Sshabaab


Isagoo la hadlayay Saxaafada reer Muqdisho Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aways ayuu shaaca ka qaaday in wada hadal uu u dhexeeyo Xisbul Islaami iyo masuuliyinta sar sare ee Xarakada Shabaab islamarkaana uu meel fiican marayo ayna rajaynayaan in ay dhowaan midoobaan Xisbul islaam iyo Al Shabaab.


Sheekh Aways waxa uu sheegay in midoobidda Xisbul Islaam iyo Xarakada Al shabaab ay fure u noqon doonto dhismaha dawlad Islaami ah oo dalka Soomaaliya laga dhiso oo shareecada Islaamka dalka ku xukunta soona celisa nabadda iyo kala dambeynta oo in muddo ay ka maqneyd dadka iyo dalka Soomaaliya.


Sidoo kale hogaamiyaha Xisbul Islaam waxa uu tilmaamay in midoobida labada urur ay suurto gelin doonto in si fudud looga guuleysto waxa uu ku tilmaamay gaalada dalka ku soo duushay iyo kuwo la safan oo hor istaagan in shareecada Ilaahay dalka lagu xukumo.


Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu u mahadceliyay Waxgaradka, Culumaaudinka iyo Odayaasha ku howlan arinta ku aadan Midoobida Xisbiga iyo Shabaabka.


Somalireal-Muqdisho

 


 


Somalireal@hotmail.com

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ciidamo badan tababar u soo dhameystirtay iyo afhayeenkooda oo la dardaarmay ciidanka.
  Magaalada Garoowe oo maanta lagu gubay lacago been abuur ah.
  Diyaargarowga Munaasabada Ciidul Fidriga oo laga dareemayo Suuqyada magaalada Muqdisho.
  Dowladda KMG ah iyo Shabaabul Mujaahidiin oo guulo ka sheegtay dagaal shalay galab ilaa xalay ka dhacay degmada Boondheere.
  Maamulada Shabaabul Mujaahidiin ee gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo dadka goboladaas amaro ku soo rogay