Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay waqooyiga magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Degmada Shibis ee maamulka dawladda KMG Soomaaliya Kulmiye Yabarow Haruur oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dawladda KMG ay ku guuleysteen dagaalkii shalay ka dhacay deegaanada Waqooyi ayna la wareegeen fariisimo ay ka mid yihiin dhismihii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha, isgoyska Maanabooliyo iyo goobo kale, wuxuuna sheegay in ay jiraan maydad ay ka carareen xoogaga Islaamiyiinta oo daadsan goobihii ay la wareegeen sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale Afhayeenka dhanka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Sheekh C/casiis Abu Muscab oo saxaafadda shir jaraa’id u qabtay ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii gelinkii hore ee shalay ka dhacay Boondheere ay soo qaadeen waxa uu ugu yeeray gaalada saliibiyiinta oo xooga saarayay in ay la wareegaan dhismaha Wasaaradda Arrimaha gudaha, wuxuuna sheegay in mujaahidiinta ay gubeen gaari tow ah, jug culusna ay gaarsiiyeen hal taangi kaasi oo ay jiiteen ciidamada AMISOM, isagoo xusay in mujaahidiinta ay ku sugan yihiin goobihii ay horay ugu sugnaayeen ee Boondheere.
Guulahaan ay kala sheeganayaan Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa imaanaya xilli shalay dagaalo aad u qaraar ay ku dhaxmareen labada dhinacba xaafado kamid ah degmooyinka Waqooyi ee magaaada Muqdisho, mana jirto ilo ka madax banaan labada dhinac oo xaqiijinaya guulaha ay kala sheeganayaan.
Somalireal-Muqdisho
Fikradaada ku darso.