Raisul Wasaaraha Xukuumada KMG ee Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho iyo waliba dagaalkii shalay ka bilowday deegaano katirsan Maamul goboleedka Puntland.
Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke raisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay dagalada aan dhamaadka laheyn ee ka sii holcaya magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, waxaana uu sheegay in dowladiisa aysan waxba kala hari doonin sidii ay amniga wax uga qaban lahayd ayna si wada jir ah hada wixii ka danbeeya u bilaabi doonan qaabkii ay ula wareegi lahaayeen fariisiamaha ay magaalada Muqdisho ku leeyihiin dhinacyada Islaamiyiinta.
Dhinaca kale Raisul Wasaare Sharmaarke waxa uu ka hadley dagalada ka socda agagaaraha magalada boosaaso ee xarunta gobolka Bari isagoo shegay in dagaaladaasi ay yihiin kuwo caalami ah islamarkaana ay wax badan kala hadleen caalamka ka dowlada ahaan isagoo yiri " Puntland kaliya waxba kama qaban karto dagalada ka socda halkaasi lakiin hadi la iska kashado caalamkuna gacan ka geysto waa laga yaaba in laga miro dhaliyo.
Somalireal-Muqdisho
Fikradaada ku darso.