Ilaa iyo 4-Qarax oo xalay Ciidamada dowladda KMG lagula eegtay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.



Qaraxyo aad u xoogan islamarkaana gaarayay ilaa 4-qarax ayaa xalay fiidkii Ciidamo katirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya waxaa lagula eegtay qeybo kamid ah degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.


Fiidnimadii xalay ayaa mar qura waxaa qeybo kamid ah degmada Wadajir laga maqlay ilaa Afar qarax kuwaasi oo lagu weeraray ciidamada dowladda KMG sida ay Somalireal u xaqiijiyeen dad deegaanka ka tirsan.


Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegaya in qaraxyadaasi ay gaysteen qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Askartii qaraxa lala eegtay.


Dhinaca kale Gudoomiye ku xigeenka degmada Wadajir ee maamulka dowladda KMG Soomaaliya Xuseen Bootaan oo isna la hadlay qaar kamid ah Warbaahinta Muqdisho  ayaa waxa uu sheegay in uusan jirin wax qasaaro ah oo qaraxyadaasi ay geesteen.


Qaraxyadaasi kadib ayaa waxaa la xaqiijiyay in Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay rasaas faro badan u fureen 4-ta jiho inkastoo aan la ogeyn qasaaraha ay gaysteen rasaastaasi.


Si kastaba ha ahaatee waxaa saaka degan xaalada qeybo ka tirsan degmada Wadajir halkaasi oo xalay ay ka dhaceen qaraxyo aad u xoogan oo gaarayay ilaa 4-qarax, mana ahan markii ugu horaysay oo Ciidamo katirsan dowladda KMG Soomaaliya qaraxyo lagula eegto qeybo kamid ah Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.


Somalireal-Muqdisho

 


 


Somalireal@hotmail.com

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ciidamo badan tababar u soo dhameystirtay iyo afhayeenkooda oo la dardaarmay ciidanka.
  Magaalada Garoowe oo maanta lagu gubay lacago been abuur ah.
  Diyaargarowga Munaasabada Ciidul Fidriga oo laga dareemayo Suuqyada magaalada Muqdisho.
  Dowladda KMG ah iyo Shabaabul Mujaahidiin oo guulo ka sheegtay dagaal shalay galab ilaa xalay ka dhacay degmada Boondheere.
  Maamulada Shabaabul Mujaahidiin ee gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo dadka goboladaas amaro ku soo rogay