Midowga Afrika oo isku raacay in Afar kun oo Askari loo soo diro wadanka Soomaaliya.



Ururka Midowga Afrika ayaa waxa ay isku raaceen in Afar kun oo Askari islamarkaana dheeri ah loo soo diro wadanka Soomaaliya si loogu biiriyo Ciidamada Midowga Afrika ee hada ku sugan dalka Soomaaliya.


Ayadoo uu soo idlaaday kulankii 16-aad ee isugu imaan jireen madaxda Qaarada Afrika ayaa waxaa intiisa badan uu ahaa mid ay uga wada hadlayeen madaxda arinta Soomaaliya oo aheyd mid ugu weyneed ee kulanka uu ku furmay.


Kulankaasi kadib ayaa waxaa ka soo baxay go'aano la doonayo in wax looga qabto xaalada amaan ee dalka Soomaaliya iyo sidii loo sii wadi lahaa howlaha ciidamada AMISOM ay ka wadaan guud ahaan Soomaaliya kuwaasi oo lagu taageerayo sidii ay wax uga qaban lahaayeen.


Waxaa la goaamiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan Afar kun oo askari loo soo diro gudaha Soomaaliya kuwaasi oo lagu kordhinayo ciidmada AMISOM howlgalka ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.


Sidoo kale, Madaxda ka qeyb gashay shirka ayaa waxaa ay isku raaceen in laga fikiro in ay howlgalo ama weeraro ay qaadaan ciidamada AMISOM inkastoo Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ay ka soo horjeesteen nabad dhaliyeyaal loo bedelo ciidamada AMISOM magaca iyo howlgalka ciidamada AMISOM ee joogo Soomaaliya.


Mr. Jan Ping ayaa wuxuu sheegay inay ka go'an tahay Midowga Africa inuu ciidamo dheeraad ah si deg-deg ah ugu soo diro Soomaaliya kuwaa oo iyana si deg deg ah wax uga badalaya xaalada dalka, waxaana dhawaan ka soo dagtay garoonka Muqdisho saraakiil indha indheyn ku sameyneyso fariisimaha ciidamada cusub ee la soo wado.


Dowladaha ciidamada haatan u soo socda Soomaaliya ayaa waxa ay kala yihiin Guinea kun askari, Jabuuti kun askari, iyo wadamada IGAD oo soo diraya labo kun askar taa oo tirada guud ka dhigeyso 10,000 oo askari, waxaana barbar socda in dhamaan ciidamadaasi lagu taageerayo agabka dagaal oo ay ka midyihiin Diyaarado iyo Taangiyo oo la sheegay in dhawaan gacanta laga saarayo AU-da.


Somalireal-Muqdisho

 


 


Somalireal@hotmail.com

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Qoraal faahfaahsan oo ku saabsan Zakaatul Fidriga
  Hay'adda UNHCR oo sheegtay dad laba boqol kor u dhaafaya inay ku dhinteen dagaalada Muqdisho ka soconayey labada todobaad
  Xaalada Muqdisho oo maanta yara degen iyo dhinacyada iska soo horjeeda oo isku qalab uruursanaya
  Diyaargarowga Munaasabada ciidul fidriga oo laga dareemayo suuqyada Magalaadda Cape-Town ee wadanka koonfur Africa
  Sheeko Gaaban: Macalimiinta Iskuulka Qoyane waa laga gardaran yahay.