Dowladda KMG iyo Ururka Xisbul Islaam oo guulo ka kala sheegtay dagaalo shalay ka dhacay Muqdisho.



Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Ururka  Xisbul Islaam ayaa labaduba guulo ka kala sheegtay dagaaladii shalay ee Waqooyiga Muqdisho.


Afhayeenka Wasaaradda Warfafinta ee dawladda KMG Soomaaliya Sheekh C/risaaq Maxamed Qaylow oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dawladda ay iska caabiyeen weerar ay ku soo qaadeen Xoogag Islaamiyiinta islamarkaana ay guulo la taaban karo ka gaareen dagaaladii shalay gelinkii dambe ilaa iyo xalay fiidkii ka dhacayay degmooyinka Hodan iyo H/wadaag ee magaalada Muqdisho.


Dhinaca kalke Afhayeenka dhanka hawl gallada ee Ururka Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Cismaan Caruus oo Warbaahinta  la hadlay ayaa isna guulo ka sheegtay dagaalo shalay gelikii hore ilaa xalay fiidkii ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan kuwaasi oo ay la galeen ciidamada dawladda KMG iyo kuwa AMISOM islamarkaana ay jab iyo qasaare ku gaarsiiyeen kalana wareegeen fariisimo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada dawladda.


Marka laga soo tago guulaha ay kala sheeganayaan Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo  Ururka Xisbul Islaam waxaa jiro qasaare xoogan oo ka dhashay dagaalada iyo duqeymaha shalay ilaa xalay fiidkii ka soconayay qeybo ka mid ah degmada Hodan, waxaana lagu soo warramayaa in madaafiic lagu garaacay xaafadaha Xero-agoon, Warshadda caanaha, Bakaaraha iyo qeybo kale oo ka mid ah degmada Hodan ay ku geeriyoodeen 10 qofood, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 40 qofood oo dhammaantood ahaa dad rayid ah.


Si kastaba xaalku ahaadee dagaalada iyo duqeymaha aan dhamaadka laheyn ee ka sii socda magaalada Muqdisho ayaa qasaaraha ugu badan waxa uu ka soo gaaraa dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.


Somalireal-Muqdisho


Somalireal@hotmail.com

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ciidamo badan tababar u soo dhameystirtay iyo afhayeenkooda oo la dardaarmay ciidanka.
  Magaalada Garoowe oo maanta lagu gubay lacago been abuur ah.
  Diyaargarowga Munaasabada Ciidul Fidriga oo laga dareemayo Suuqyada magaalada Muqdisho.
  Dowladda KMG ah iyo Shabaabul Mujaahidiin oo guulo ka sheegtay dagaal shalay galab ilaa xalay ka dhacay degmada Boondheere.
  Maamulada Shabaabul Mujaahidiin ee gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo dadka goboladaas amaro ku soo rogay