Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday in aysan wax lug ah ku laheyn dagaalada dhawan ka qarxay deegaano katirsan Puntland islamarkaana u dhaxeeya Ciidamada amaanka ee Puntland iyo kooxo hubaysan.
Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere oo ah Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo la hadlay qaar kamid ah Idaacadaha magaalada MUqdisho ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday in aysan wax lug ah ku laheyn dagaalada dhawaan ka bilowday deegaanada Galgala iyo Karin oo katirsan deeagaanada Puntland una dhaxeeya Ciidamada PIS-ta ee Puntland iyo Ciidamo uu horkacayo Wadaad diimeed lagu magacaabo Maxamed Saciid Atam.
Afhayeenka Shabaab waxa uu hoosta ka xariiqay in dagaaladaasi ay u dhaxeeyeen Ciidamada amaanka ee Puntland iyo waliba dadka deegaanka sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu dhinaca kale digniin kulul u jeediyay Warbaahinta taasi oo ku aadan in aysan dhihin dagaaladaasi waxa ay u dhaxeeyaan Al Shabaab iyo Ciidamada Puntland.
Hadalka Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa imaanaya xilii dhawaan dagaalo xoogan ay ka bilowdeen deegaano katirsan Puntland.
Somalireal-Muqdisho
Fikradaada ku darso.